01 January, 2009

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo si weyn loogu soo dhoweeyey Laascaanood

Laascaanood (Togdhnews.) – Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta si layaab leh loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood oo maalinta berri ah ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in kumanaan dadwaynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo sita calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka xisbiga KULMIYE ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa.
Soo dhawayntaasi ka dib, Guddoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadwaynahan soo dhaweeyay, isaga oo uga mahad celiyay sida qiimaha iyo qaayaha badan ee ay u soo dhaweeyeen. Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu dadwaynaha gobolka Sool uga waramay socdaalkooda iyo sida ay muhiimka ay u tahay in shacabka gobolka Sool guud ahaan ay u diyaargaroobaan diwaangelinta maalinta berri ah ka bilaabi doonta gobolkaasi.
Fagaarahaasi waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Mudane Fu’aad Aadan Cadde oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, iyaga oo dadwaynaha ku booriyay in ay diwaangelinta si wayn uga qayb qaataan.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa ka waramay qiimaha nabad-galyada iyo degenaanshaha. Isaga oo ka mid ahaa raggii dedaalka badan ka galay nabadayntii beelaha Bariga Somaliland iyo guud ahaanba dalka Somaliland ilaa sannadkii 1991-kii.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo waa masuulkii ugu miisaanka waynaa ee taga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, tan iyo sannadkii 2003.
Dhinaca kale, guddoomiyaha guddida diwaangelinta Komishanka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in diwaangelintu si rasmi ah maalinta berri uga bilaabmi doonto gobolkaasi, kooxihii ka hawl galayay diwaangelintuna ay gaadheen gobolka Sool, inkasta oo ay jiraan ‘buu yidh’ kooxo tiro yar oo weli ku sagan magaalada Burco oo ilaa caawa ay dirayaan.
Somaliland.Org.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: