12 December, 2008

Wareysi: Taliyaha ciidanka AMISOM

Yusuf-Garaad Cumar BBC Somali.com

Taliyaha ciidanka AMISOM ayaa wareysi gaar ah siiyey BBC-da
Taliyaha ciidanka AMISOM ee Muqdisho jooga Gen. Okelo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey BBC-da ku sheegay in nabad-ilaaliyayaashiisu ay sii joogaan doonaan Soomaaliya.

Wareysiga Gen. Okelo Dhegeysi

Wareysiga dhinacyo badan taabanaya ayuu Gen. Okelo siiyey Laanta Af-Soomaaliga, isagoo sheegay in ujeeddada howlgalka ay ku joogaan Muqdisho ay tahay inay jawi nabadeed u abuuraan kooxaha isku haya dalka Soomaaliya.

Socdaalka Sh. Shariif
Gen. Okelo ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo socdaalka uu guddoomiyaha Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Soomaaliya ku tagay caasimadda toddobaadkan. Wuxuu socdaalkaas ku sifeeyey inuu yahay mid isku soo dhaweynaya dhinacyada Soomaalida ee kala irdhoobay.

Bixitaanka Ethiopia
Mar la weydiiyey sida uu u arko wararka is khilaafsan ee kasoo baxaya bixitaanka ciidanka dalka Ethiopia, wuxuu generalku sheegay in dowladda Ethiopia iyo Qaramada Midoobay ay si rasmi ah u wargalisay inay dalka isaga bixi doonto dabayaaqada bishan. Sidaas daraaddeedna ay iyagu u diyaar garoobayaan inay ciidankaas baxaan. Wuxuuna sheegay inay taasi qeyb ka tahay heshiiskii Djibouti ku dhex maray DKMG iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Soomaaliya.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: