Suldaan ku goodiyey in siyaasiyiinta shandadaha madhan sita ee ay u seeto dheereeyeen soo xarayn doo
Hargaysa,- Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah salaadiinta beesha Habar-yoonis ayaa shalay maruu ka hadlaayey munaasibad laba urur siyaasadeed Badbaado iyo Waddani isku biireen soo fadhay masaa'il hore iyo maraaxil qadhaadh oo laga soo gudbay oo dalku soo maray iyo hanaankii wax lagu maareeyay,kuna faanay in salaadiintu doorkooda lahaayeen.
Wuxuu Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar sheegay inay dalku soo maray dagaalo ehli ah,hagardaamooyin siyaasadeed,geed kasta oo gar loo fadhiistey markuu maraayana uu xasuusto wixii halkaa ka dhacay iyo colkii hagardaamada galey, wuxuuna Suldaanku intaas ku daray inay guuldarooyinkaa iyo hagardaamooyinkaa sababi jireen laba ciidan oo kala ah ciidanka hubka ama qoriga sita ( dablayda ama daydayga) iyo ciidanka siyaasadda ama siyaasiyiinta.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar wuxuu sheegay in labadaas ciidan kuwii qoryaha sitay xalkoodii la helay, oo la meeleeyay, oo ciidan qaran laga dhigay oo ay maanta u taagan yih iin difaaca dalka iyo sugida amniga qaranka balse qoladii kale oo ah ciidanka siyaasada maanta loo taag la' yahay oo hadba meel isku qaadayaan oo iyagoo shandado madhan sita hadba meel ka furkudinayaan oo karamadii iyo sharaftii dalka kidfeen oo marna xamar ka hilaacayaan marna meelo kale.
Suldaan Cismaan wuxuu ku goodiyey in salaadiin ahaan maanta laga bilaabo aaney u dulqaadanayn hab dhaqanka ciidanka siyaasada ama siyaasiyiinta ee meel walba hagardaamo iyo guuldarooyinka siyaasadeed la soo tuban,wuxuuna Suldaan Cismaan ku hanjabay inaaney u dulqaadan doonin siyaasiyiinta maanta laga bilaabo oo ay u soo jeesteen dalka iyo dadkana ka xarayn doonaan.
Suldaan Cismaan ayaa madashii uu hadalkaas ka jeediyey ay ku sugnaayeen siyaasiyiin badan oo aan ka tirsaneyn labadaas urur ee Badbaado iyo wadani ee isku biiray,yeelkeede fariintii suldaanku may helin wax falcelin ah munsaabibada gudaheedii.
No comments:
Post a Comment