Lacagtan oo lagula kala wareegay wasaarada macdanta iyo biyaha........
Hargeysa(GNS)-Wasiirka Maaliyada Somaliland ayaa maanta lacag Qadarkeedu dhanyahay Nus-malyuun Dollar kala wareegtay Wasaarada Macdanta , Biyaha iyo Tamarta Somaliland iyo Shirkada Ophir oo wada galay Heshiis ku saabsan Mashaariic Shidaal qodis ah oo ay shirkadaasi wadanka ka fulinayso.
Lacagtan oo lagula kala wareegay wasaarada macdanta iyo biyaha, ayaa qadarkeeda lagu sheegay Check dhan shan boqol iyo kow iyo todobaatan kun iyo boqol iyo siddeed iyo todobaatan ku oo Dollar( 571,178 dollar), taasoo wasaaradu sheegtay inay qayb ka tahay lacag horumarin ah oo ay shirkadaasi bixinayso ka hor inta aanay bilaabin mashruuca Shidaal qodis ah.
Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wakiilka Shirkada Ophir ee Mashruuca fulinaysa ayaa xaqiijiyay inay wada galeen heshiis Sahamin Shidaal ah oo laga bilaabayo wadan ka, waxaanay intaasi raaciyeen in heshiiskani marxalado kala gedisan soo maray, hase yeeshee markii ugu dambeysa lagu guulaystay bishii Appril ee sanadkan.
Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo isaguna markii uu lacagta la wareegyay hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay bilowga Mashruucan Dhaqaalaha badan ka soo galay dawlada,kaasoo uu tilmaamay inuu wax weyn ka tarayo kor u kaca dhaqaalaha wadanka,sawirna u yahay Maal-gashiga Caalamiga ah ee dalka laga fulinayo mustaqbalka.
Ma cada ilaa hada Dhaqaalaha Rasmiga ah ee uu ku kacayo Mashruucani hadii lagu guulaysto, laakiinse waxa uu bilow u noqonayaa heshiisyo noocan oo kale ah oo baahi weyn loo qabo hadii uu si fiican u hir-galo, waxaanu ku soo beegmay xili si weyn loo hadal hayo qodista Shidaalka ee Geeska Afrika, kaasoo ay sanadkii hore ku guulaytay Maamulka Puntland.
No comments:
Post a Comment