13 May, 2012

“..Waxa Jirtay Islaan Wada-haysay Sideed Caruur ah oo ay Shan dhashay Saddexna Aayo u Ahayd..” Sheikh Cabdulaahi Sheikh Cali Suufi

“..Waxa Jirtay Islaan Wada-haysay Sideed Caruur ah oo ay Shan dhashay Saddexna Aayo u Ahayd..” Sheikh Cabdulaahi Sheikh Cali Suufi

“..Dadka Selel iyo Awdal Degani Waa Is-wada haysta Cadaalada intaad eegto u Xaqsoor oo Dantooda ilaali..”Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil

Borama(yool)-Odayaasha Dhaqanka iyo Sheekhal-beledka Boorame, ayaa hadalo duur-xul ah oo isugu jiray digniin iyo hoga-tusaaleyn kuna durayaan tayada iyo isu-dheeli-tir la’aanta Xubnaha u gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo oo Shalay booqasho gaaban ku tegay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.


Booqashada Madaxweynaha oo ku taxaluqday ka qaybgalka Xaflad furitaan ah oo loo sameeyey dhamaystirka 12 KM oo ka mid ah Jidka isku xidha Magaalooyinka Dilla iyo Boorama, kaasoo 4 KM oo ka mid ah Xukuumaddu bixisay kharashkii ku baxay, halka 8 KM kalena lagu sameeyey dhaqaale ay iska kaashadeen dadka deegaanku, sidoo kale waxa Madaxweynuhu ku dhagax-dhigay dhismaha 6 KM oo lagu kordhin doono waddada isla markaana Xukuumaddu balanqaaday kharashka ku baxaya.


Kulan gaar ah oo Madaxweynuhu Xafladaa ka dib Odayaasha dhaqanka kula yeeshay Hotelka Rays ee Magaalada Boorama ayaa qaar ka mid ah Duqaydii kulankaa fadhiday waxay madasha ka sheegeen toosin iyo tabasho wixii ay ka qabeen Xukuumadda uu hoggaamiyaha ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.


Sheekhul-beledka Magaalada Boorama Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar ayaa oo kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha ku boorriyey in muddada uu xilka hayo ku shaqeeyo Cadaalad iyo Xaqsoor dhex-dhexaad ah, isla markaana Masuuliyiinta uu xilalka Qaranka u dhiibayo xilalkooda ku saleeyo karti, Aqoon iyo Daacadnimo.


Sheekhul-beledka Magaalada Boorama oo ka mid ahaa xubnihii Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Qaranka balse ka cudur-daartay inuu ka ajiibo qabashada xilkaas sidoo kale Madaxweynaha u soo bandhigay tusaalooyin uu ku tusayey qiimaha Cadaaladu u leedahay bulshada iyo sida loogu baahan yahay in hoggaamiyuhu ummadda ugu haggo qaab wadaniyeed oo ku qotoma xaqiijiinta himadalooda guud, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “..Waayo hore ayaa waxa jirtay Islaan wada-haysay Sideed Caruur ah oo ay Shan dhashay Saddexna Aayo u tahay, Istaantaasi Shanta ay dhashay marka ay Caano siinayso waxay ku odhan jirtay ‘Qudh-qudhi Qudh-qudhi Qudh-qudhi, Saddexda ay aayada u tahay marka ay Caano siinayso waxay ku odhan jirtay ‘Kabo, Kabo kabo’, markaa dadka aad Madaxweynaha aad u tahay ha ku odhan qaarna Qudh-qudhiya qaarna ha ku odhan Kabada u xaqsoor oo ummaddu ha kuu sinaato..”.


Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar waxa uu Madaxweynaha doorka uu ka qaatay dayactirka waddada iyo booqashada Gobolka Awdal, waxana uu yidhil“Laba Madaxweyne oo kaa horeeyey nidaamka beelaha wax ku bixin jiray oo xilkana ku bixin jiray adiguna waddadii baad raacday inaad aayar ka wada guurtona kuuma suurtogelayso, laakiin in tayo loo eego cidda xil loo dhiibayo ee aan loo eegin ayaa haboon, Wax-qabad, garsoor Cadaaladeed iyo hoggaamin tayo leh ayaa lagaaga fadhiyaa Madaxweyne,.. Socdaal dheer ayaad Madaxweyne soo gashay, waanad daalan tahay.. kulan gaar ah oo aad odayaasha la yeelato ku talogal..”.


Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil isaguna ka mid ahaa Oday dhaqameedyadii kulankaa ka hadlay ayaa ka warramay Xaalada Gobolka iyo filashadii bulshada waxana uu Madaxweynaha u jeediyey tallo waayeel oo ku aadan tubta hoggaamineed ee qaranka Somaliland, waxana uu yidhi; “..Dadkan Gobolada Selel iyo Awdal degani waa dad is-wada haysta Cadaalada intaad eegto waxba dadkaasi dantiisa uma socdaane oo dadkaa is-haysta dadkaa dantiisa u xaqsoor oo dantooda ilaali, kuna shaqee wadatashi iyo Sinaan”.


Madaxweyne aynu wadatashano oo aynu is-aragno.. Khonta-khonta iyo waxa la sheegayaa kolkaasay bixi, Xani wey bugtaa weynu ognahay, Xantu sideedaba inay bugto maaha laakiin Caafimaad baynu u baahan nahay haddii la Caafimaadin waayo xumaataa ee taana ha lagu Xisaabtamo..”. Sidaana waxa yidhi Samadoon ka mid ahaa Odayaashii Madaxweyne Kulankaa kala hadashay.


Hadalada duqayda oo u muuqday kuwo aanu Madaxweynuhu meesha ka filanayn ayaa ka dib doodahaa Madaxweyne Siilaanyo geed-ka-go’an dhiniciisa ka dhigay la kulan garnaqsi ah inuu la yeesho goob kasta iyo geed kasta midkay doontoba ha noqotee, iyadoo Madaxweynaha iyo xubnihii Golaha Wasiirada ee Weftigiisu kulankaa ka dib ugu soo laabteen Magaalada Hargeysa.





Yool





http://samotalis.blogspot.com/

No comments: