17 May, 2012

BAAQ KA YIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

BAAQ KA YIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

Axmed Xasan Carwo

AAN ILAASHANO NABADGELYADA, WADAJIRKA IYO MIDNIMADA.


Dhammaan shacabweynaha Somaliland, gudo iyo debedba, dawladda Soomalialnd  Golayaal iyo xukuumadba, waxaan u soo gusbinayaa hanbalyo kal iyo laab ah iyo bogaadin la xidhiidha 21 guurada la soo noqoshada qarannimada dalkeena. Waxaan leeyahay 21ka sanadood waayahooda iyo taariikhdooda aynu eegno, si aynu uga tabaabushaysano dhib iyo balaayo dib inoo riixda. Aan ka faa'ideysano qaladaadkii ina soo maray. Aadmigu waa qalad u joog, waxa se kala saaraa waa sida ruuxba uga faa'ideysto. Ruuxa maalin walba qaladkii soo maray ku noqnoqdaa, dabcan waa kan ku sifooba doqonnimo. Haddii taasi dadku u bataanna, qarankaasi waxuu noqdaa qaran doqoniimo qayrkii ka reebto.

Xukuumadda  Madaxweyne Axmed Maxamed, waxay dareymeysa culeeska mus’uuliyadeed ee arrimaha ammaanku leedahay. Waxay mas’uuliyadda guud ahaan leedahay dhacda kasta oo dalkeena xumaan u soo jiideysa cid kasta ha sameysee. Waayo waajib saarani waa inay baajiyaan taas. Waxaa waajibka koowaad ka saran yahay badbaadada dadkeeda naf iyo maalba. Waxayna tacsi, tiiraanyo iyo murugaba la wadaageysaa cid kasta oo ku nafweyda dhacdo kasta. Waxay ka xuntay ooy aad uga damqatay in askar waajibaadkooda gudanaa iyo shacbi ay ku naf waayaan  dhacdooyinkii dhawaan Hargeysa ka dhacay.
Waxa ayaan darro ah in aarin dacwad iyo maxkamad loo mari karo inay ka dhalato isku dhac hubaysani. Shacbigu waa inuu ogaadaa, hadday ku qanci waayaan fal iyo arrin ay xukuumaddu daraf ka tahay siiba arrimaha dhulka inay xukuumadda ka dacweyn karaan maxkamadaha dalka. Una mari karaan habka dadka dhulka isku haystaa u maraan.
Weli meynaan maqal muwaadin dacwadiisa geeyey maxkamad uu ku dacweynaayo wasaarad amba hay’ad uu dhib iyo dheef ka tirsanaayo. 

Waxa bannaan in sida muwaadiniintu dacwadaha dhulka uga furtaan maxkamadaha ay ka furan karaan mid lid ku ah xukuumadda laamaheeda tan deegaan iyo tan dhexeba. Shacbigu ha barto inay hay’adaha xukuumadda iyo wasaaradahaba dacweyn karaan. Halkaad hub qaadanayso, qaado gal dacwadeed. Maxkamadahana waxa la gudboon inay dhexdhexaad ka noqdaan ooy gutaan waajibka ay u dhaarteen, ooy u arkaan dacwadda lidka ku ah xukuumadda mid la mid ah tan ay maalin walba dadweynaha u qabtaan. Waa sida sharcigeenu qabo, waana tan baajinaysa in maalin walba dhiig aan loo baahnayn qubto iyo khasaare maal iyo noolba leh. Xukuumaddu waxay balan qaadaysaa fulinta gu’aamada maxkamadaha xataa hadday lid ku tahay go’aan ka soo baxay laamaha xukumadda. Waxaynu nahay qaran dimuquraadi ah, dastuur sameystay iyo qawaaniin ilaalinaysa xaqqa iyo sinnaanta muwaadinka. Xukuumaddu waxay aaminsantay in qalad iyo gef ka dhici karo, oo ma aha xukuumad macangag ah ee waa mid garwaaqsan in qaladkeeda la saxo iyo in xukun maxkamadeed joojin karo go’aamadeeda. Waa xukuumad ku timi sifo sharci ah, dimuquraadi ah, iyo rabitanka dadweynaha. Sidoo kale waxa waajib saran yahay in muwaadinkuna ajiibo oo uu aqbalo go’aamada ay gaadhaan maxkamadahu. Waa sifaha iyo waxa lagu garto qaran sharcigu xukumo, sharcigu ka sareeyo qof kasta xaakim iyo maxkuumba. Waana mid baajinaaya qas iyo qalalaase bulshada dhex mara.

Waxa iyana waajib ah in la ixtiraamo hay’adaha amaanka, oo loo arko in askartu tahay, kuwa ilaalinaaya nabadda, kuwo u soo jeeda habeenkii, qarafaha iyo duurka ku noolaada iyagoo ka durugsan ehelkooda. Iyana waxa la gudboon dulqaad, iyo dhabar adeeg ay ku hantaan waajibaadkooda qaran. Wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshadu waa badbaadada bulshada, kala-xidhiidh-furkooduna waa mid horseedi karta qas iyo qalalaase.  Aan ixtiraamno cidda naftooda u hurtay daafaca iyo ilalinta qarannimada dalkeena.
  

Marxaladda aynu maraynaa waa mid u baahan xigmad, aqoon iyo waayo-aragnimo, xilkasnimo iyo daacadnimo ay weheliso geesinimo lagu yahay ilaalinta sharciga, bal se aan ka taganayn dulqaad iyo naxariista inta qaladanta ee gefkoodu yahay garasho la'aan iyo meel-dhow-eeg.



Aan noqono ummad aan kala aar goosan, is cafida, isu caqli celisa, ninka qaldan wax u sheegta, hadduu joogsan waayana gacanta qabta oo sharciga mariya. Yaan qalad qalad lagu sixin, ee caqligu ha taliyo. Wax walbana ha laga hormariyo nabadda guud, wadajirka iyo midnimada bulshoweynta, taas ayeyna dhib kasta kaga gudbaynaa, kuna noqonaynaa qaran ka fog kuwa lagu sifeeyo doqoniimada.



Alle hayna garansiiyo cadaaladda iyo macaanka nabaddu leedahay. Alle haynagu toosiyo dariiqa xaqqa ah iyo tubta toosan. Amiin

Ahmed Hassan Arwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: