17 May, 2012

Komishanka Oo Sheegay Inaanay Xukuumadu U Shubin Dhaqaalihii Ay Ku Qaban Lahaayeen Doorashooyinka , Meeshana Ka Saaray Astaamihii Musharixiinta Lagu Soo Dooranay


Komishanka Oo Sheegay Inaanay Xukuumadu U Shubin Dhaqaalihii Ay Ku Qaban Lahaayeen Doorashooyinka , Meeshana Ka Saaray Astaamihii Musharixiinta Lagu Soo Dooranay

“Marka La Yidhaahdo 250 Musharax Midkasta Haloo Sameeyo Calaamadii Lagu Soo Dooranayay Warqadii Way Balaadhanaysaa, Waxaanu Ku Wadnaa Doorashada Intaanu Jiilaalku Soo Galin”Afhayeenka Komishanka Geelle 
Hargeysa May 17, 2012 (Haatuf)-Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inaanay xukuumadu wali u shubin dhaqaalihii ay ku qaban lahaayeen doorashada golayaasha deegaanada oo ay sheegeen inay dalka ka qabsoomi doonto dabayaaqada sanadkan 2012-ka, iyagoo sidoo kalena Komishanka doorashooyinku ay meesha ka saareen qodob sharci oo xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanada iyo Madaxtooyadu xeer Lr 20 uu waajib kaga dhigayo in musharixiinta doorashooyinka deegaanada u tartamaysa midkasta ay komishanku u sameeyaan calaamad iyo astaan u gaar ah oo loogu codeeyo, balse ay komishanku cadeeyeen in musharixiinta u tartamaysa deegaanada oo tiradoodu badantahay iyo axsaabta ku tartamaysa oo sagaal xisbi ka kooban ay go’aansadeen in calaamadihii lagu soo dooran lahaa musharax kasta ay meesha ka saareen, isla markaana u badaleen Lambaro.
Afhayeenka komishanka Doorashooyinku Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo shalay saxaafada faahfaahin ka siiyay cod bixin tijaabo ah oo ay shalay ku qabteen xaruntooda Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadalayana waxa uu yidhi “Waxaanu samaynay saaka (shalay) doorasho tijaabo ah, waxaanu keenay nidaamka cusub ee la qaatay ee doorashada golayaasha deegaanada ee soo socota, oo Baarlamaanku go’aamiyey in loo codeeyo qofka musharaxa ah, hakii awal hore loo codayn jiray xisbiga, taas oo aynu horena ugu galnay doorashadii Baarlamaanka, balse waxay ku kala duwan yihiin doorashadii Baarlamaanka saddex xisbi oo kaliya ayay ahaayeen, doorashadanse waxa ku tartamaya sagaal xisbi, Hargeysa oo kale saddexda xisbi midkastaa waxa uu soo sharaxay labaatan musharax, balse hada sagaalka xisbi waxay keenayaan midkastaa 25 musharax 225 musharax ayay noqonaysaa tirade guud ee Hargeysa laga sharaxayaa noqonaysaa, waaggii hore musharixiinta Baarlamaanka waxa uu midkasta loo samayn jiray calaamad gaar ah, hadase markaanu 225 musharax midkasta u samayno calaamad gaar ah warqadii way balaadhanaysaa, ka dib waxaanu isla qaadanay in laga tago calaamadii musharaxu lahaan jiray meesha laga saaro, oo astaantii musharaxa lagu badalo Lambar”

Afhayeenka komishanka doorashooyinka Geele isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Waxaanu eegaynay qofka intay ku qaadan karto musharaxa uu dooranayo inuu u codeeyo iyo dhibka ay ku hayn karto dadka aan waxna qorin waxna akhriyi karin ee barigii hore eegan jiray calaamada musharaxa inay hada xafidi karaan lambarka iyo in kale, dadka ay ku adkaatay iyo dad saxayba way jiraan, laakiin ilaa hada wax natiijo ah oo rasmiya oo noogamay soo bixin, waxaanuse sii darsanaynaa ilaa laba maalmood”

Afhayeenka komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo la waydiiyay in kharashkii ay ku qaban lahaayeen doorashooyinka golayaasha deegaanada ay gacanta ku hayaan iyo wakhtiga ay qabsoomayso doorashadu, ayaa waaxa uu yidhi “Ilaa hada nalooguma soo shubin xisaabtii waxaanuse rajaynaynaa in dhaqaalihii doorashada aanu helno, doorashadana waxaanu ku wadnaa inay qabsoonto sanadkan 2012-ka dabayaaqadiisa bilaha usoo horeeya intaanu Jiilaalku soo galin ayaanu ku wadnaa qabsoomida doorashada”    

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: