02 April, 2012

Laba Wasiir ,Saddex Sarkaal , Tikniko dhawr ah, Gawaadhidii Saadka iyo Maxaabiis Tiro badan Oo Laga qabtay Maleeshiyaadka Khaatumo + Hogaamiyahoodii Axmed Karaash Oo Firxad ku galay Deegaanka Boocame.


Laba Wasiir ,Saddex Sarkaal , Tikniko dhawr ah, Gawaadhidii Saadka iyo Maxaabiis Tiro badan Oo Laga qabtay Maleeshiyaadka Khaatumo + Hogaamiyahoodii Axmed Karaash Oo Firxad ku galay Deegaanka Boocame.

TOGAHERER   
Laascaanood/Buuhoodle/ToggaHerer 01 April

Ciidamada Qaranka Somaliland Ayaa Cashar lama ilaabaan ah ku dhuftay Maleeshiyada Khaatumo Oo Saaka Dhawr Meelood Weerar kaga soo qaaday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Dagaalkan ayaa socday Muddo Saacado ah.
Khasaaraha Dhinaca Dagaalka Khaatumo


Ciidamada Qaranka Somaliland Waxay Cagta Mariyeeen Maleeshiyaadkii ku sugnaa Deegaamadan Xarar Daanyeer ,Gacandar, Dar yare , Karin Dabayl Weyn iyo Deegaanka Kalabaydh ee Koonfurta Gobolka Sool oo ay Haatan Ciidamada qaranku ku sugan yihiin.
Ciidamada Qaranka Somaliland Waxay gacanta ku dhigeeen Sagaal baabuur oo ay afar ka mid ahi yihiin Baabuurta Gaashaaman ee dagaalka Xaga shan ka mid ahi ay yihiin Baabuur Xamuul ah oo uu u saarnaa saadku iyo kuwo ay u isticmaalayeen Daadguraynta ciidankooda.
Dagaalkan ayaa maxaabiix gaadhaysa 47 masbuux lagaga qabtay Maleeshiyada Khaatumo kuwaan ay ay ku jiraan laba Wasiir oo ka mid ah wasiiradii ay dhawaan kaga dhawaaqeen Degmada Taleex .
Sidoo kale waxaa ka mid ah Saddex Sarkaal oo darajadoodu tahay Taliyayaal Guuto oo hogaaminaayey maleeshiyaadkii Saaka weerka la beegsaday Ciidamada Qaranka Somaliland, dhinaca kale Axmed Karaash Oo Ah Madaxweynaha Khaatumo ayaa firxad ku galay deegaanka Boocame oo ah ka mid ah Xudoda Somaliland iyo Somaliya ay wadaagaan.
Dhimashada Maleeshiyaadka ilaa hadda la gaadhsiiyey Deegaanka Buuhoodle ay gaadhaysa 21  Iyo dhaawac xad dhaaf ah .
Dhinaca Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa waxaa ka geeriyooday dagaalkan Afar ka mid ah ciidamada Qalabka Sida halka ay kaga dhaawacmeen 13 Askari oo dhaawacoodu fudud yahay .
Ugu dambayntii Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Abaabul Xoogan ugu jira Sidoo Ay u raad guri lahaayeen una soo taaban lahaayeen Maleeshiyada iyo Goobaha uu saldhigoodu yahay Taas oo ay Ciidamada Xooga dalka Somaliland ay maalmahan soo socda meelo badan oo saldhigyo u ah ay soo taaban doonaan.

HOOS GUJI SIDAAD U DHEGEYSATO:



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: