Agaasimihii Guud ee wasaaradda arimaha dibadda somaliland ayaa sheegay in uu iska casiley......
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha debeda Somaliland Maxmuud Raage Ibraahin, waxa uu dhaliilo iyo eedayn culus dhakadda ka saaray wasiirkiisa Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay wadda shaqaynayeen muddo ka yar sanad, waxana uu sheegay in wasiirka arimaha dibadda Somaliland , uu ku takri falay dhaqaalihii waddanka.
Sidoo kale Agaasimaha guud waxa uu canbaareyn culus dhakadda u saaray wasiirka madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali xaaji Xasan, waxana uu sheegay in ay labaddan masuul yihiin labadda aan rajo ka rabin dalka, isla markaana isku diraya Siilaayo iyo shacabkiisa.
Agaasimaha ayaa xil iska casilkiisa waxa uu ku sifeeyay arimo badan oo is biirsaday balse waxa uu sheegay in tan ugu weyni ay tahay “ta ugu weyn ee aan xilka iskaga casiley waxay tahay Waxa uu wasiirka Arimaha Dibaddu nagu amaray inaanu siino kharajkii lagu furayay koonfurta Sudaan, oo kharashkaasi ahaa 64000 oo Dollar, una habaysanaa hab maamul, mudane Madaxweyne waxaan sugayay muddo laga joogo afar maalmood hase yeeshee ilaa haatan lama furin xogo qarsoona waxay sheegayaan inkharasjkaas meelo kale laga furay, waxana lay sheegay in ay wataan isaga (WAsiirka Arimaha Dibadda) iyo Wasiir Xirsi urur Siyaasadeed”.
Agaasimihii horre ee wasaaradda Arimaha Dibaddu waxa uu sheegay in labaddan wasiir ay wataan urur siyaasadeedka Nasiye isla markaana ay kharashaadka Dawladda ay ku fan gareeyaan ururkaasi, isaga oo si qayaxan u tilmaamay in Wasiir Maxamed C/laahi Cumar uu musuqmaasuqay Miisaaniyadda Wasaaradaasi, waxana uu tilmaamay in ay xidhmeen dhawr Safaradood oo kalla duwan ka dib markii kharashkoodii la musumaasuqay.
Dhanka kale waxa uu Mr Raage sheegay in Wasiir Xirsi yahay Mucjiso loo soo direy Madaxweyne Siilaanyo isla markaana aanuu ogolayn in masuul galo iridka madaxweynaha waxana uu yidhi “Madaxweyne waxad albaabka dhigatay Wasiirka madaxtooyadda oo kaa ilaaliya wax kasta oo xaqiiq ku sugan kuuna sheega in kasta oo aad jeceshahay ama aad raali ka tahay Lixdan Kun Oo Dollar baa lay yidhi waxa lagu qalabaynayaa xafiisyo ku yaal Scandinavian, madaxweyne ninkii ugu horeeyay ee xilka katagaya ma ihi ee gaboose ayaa ka tagay markuu ka tagey Gaboose wuu ku amaanay balse wuxuu kuu sheegay in ay jiraan dad xunxun oo agtaadda joogaa” waxana uu intaasi ku daray “Madaxweyne ku xigeenkii baa madaxtootayadda ka duday oo gurigiisa tagay wuu cawday wuxuu ku yidhi adiga kaama cadhoon ee dadka kula jooga ayaa xun oo aan ka cadhooday, aniguna waxaan ku lee yahay waad wanaagsan tahay balse dadka kula jooga gaar ahaan Xirsi iyo Maxamed C/laahi Cumar ayaa xun ee iska ilaali”.
Maxamed Raage Ibraahim mar uu ka hadlayay dereenka reer Gabiley waxa uu yidhi “Beesha Gabiley waa halgamayaashii Qaranka intii ay ku lahaayeen dawladdan in la siiyay ayan qabaa kana aan la had;layo ee wasiirka ahna Gabiley ma keenin ee dhalinyaradda reer London iyo madaxweynaha ayaa keenay”
Wasiirku waxa uu sheegay in safaradda uu madaxweynuhu u baxaa ay yihiin kuwo aan meelaysnayn, waxana uu sheegay in safaradaasi yihiin kuwo intoodda badan laga qaado ceeb xumo iyo magic “Madaxweyne Dalka China ayaad aadaysaa baa lagu yidhi oo shan cisho ayaa lagugu hayay Addis-ababa waan ooyaya anigu, inaan kuu digo oo aan iskaga tago ani daw bay noqotay, waan ogolahay in aad Xirsi gacan yarre ka dhigto balse isagu gacan yarre iskuma haysto”. Waxana uu intaas ku daray “In uu nin yar dadka kaa jaro maaha inuu fara gashto arimaha qaranka Somaliland, ma jeegearayn karo wiil yari wasaaradda cadaaladda, ma maamuli karo qaranka waayo adaa laguu doortay”.ayuu yidhi agaasimihii horre ee Wasaaradda arimaha dibaddu.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/
1 comment:
ubuxii oo ku dildilaacay sanad iyo badh guidihii, dagalaada dhawrka jeer lagu soo jebiyay ciidanka qaranka, bedelka degdegaa ee taliyaasha ciidamada, khaatumo state, awdal state, saylac state, shirka london iyo shir duceedada faraha badan........Allaw sahal umuuraha
Post a Comment