13 February, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA


TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA
Marxuumad Sacdiya Sh Ibraahin Sh Omar Sh Madar.

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha,ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay marxuumaddu ka tagtay meel kasta oo ay joogaanba

Alle ha u naxariistee Marxuumad Sacdiya Sh Ibraahin Sh Omar Sh Madar, waxay ku geeriyootay magaalada London, UK. 

Marxuumad Sacdiya oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo,ehel iyo asxaabna ina waafajiyo samir iyo duco. Amiin

Ahmed Hassan Arwo
samotalis@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: