13 February, 2012

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay agaasimihii iscasiley ee...

“Anigu Waxaan Ka Tirsanaa Madaxdii Xisbiga Talladda Haya Ee KULMIYE…. Mana Jirto Wax Urur Ah Oo Kalle Oo Aan Ku Jiro Ama Samaystay.” Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay agaasimihii iscasiley ee...


Hargeysa (GNS)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa jawaab cad ka bixiyay dhaliilo culsu uu maanta u jeediyay Agaasimihii Guud ee wasaaraddaasi Maxamuud Raage, oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu wasaaradaasi ka hayay.

Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sheegay in agaasimaha wasaaraddu aanuu garanayn shaqadiisa isla markaana ay ku adkaaday hawlaha shaqo “Agaasimaha Guud Maxamuud Raage, runtii mudadii yarayd ee koobnayd ee aanu wada shaqaynaynay shaqada Wasaaraddu way ku adkayd dhibaato xoog lihina way ka haysatay oo wuu ku haftay.

“Wasaaradda Arrimaha dibadduna waa wasaarad balaadhan oo la shaqaysa beesha caalamka, Ha’yadaha qarammadda Midoobay iyo Urur-goboleedyadaba. Markaa qofka Agaasimaha Guud noqonaya waxa laga doonayaa karti iyo aqoon.”

“Agaasimaha markii aanu aragnay inay ku adag tahay hawsha wasaaraddu gaar ahaan xidhiidhada iyo luuqaduba, waxaanu garanay inaanu caawino oo waanu taageeraynay, mana jirin wax dhibaato ah oo aanu ku haynay laakiin markii shaqadii ku adkaatay ee ay ka hor timid waa kan maanta iska casilay xilkii, waxaan u rajaynayaa waa nin dhalinyaro ahe’e inuu mustaqbalkiisa ku guulaysto oo uu shaqo kale oo uu ka soo bixi karo qabto,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu, mar uu maanta u waramayay Talefeeshanka Horn cable tv

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in Agaasimaha Guud ahaa masuulkii hawshiisa ay ahayd isku dubo-ridka hawlaha wasaaradda hase yeeshee aanu Agaasimihiisu aqoon u lahayn shaqada uu hayay.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aanu weydiinay su’aal ahayd waxa ka jira inuu leeyahay urur siyaasadeedka NASIYE oo Agaasimuhu ku eedeeyay, waxa uu ku jawaabay “Anigu waxaan ka tirsanaa madaxdii xisbiga Talladda haya ee KULMIYE oo aan ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyay inuu xisbigu ku guulaysto madaxtinimada dalka, walina waxaan ka tirsan nahay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE. Mana jirto wax urur ah oo kale oo aan ku jiro ama samaystay.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka jawaabay eed la xidhiidhay in xafiisyadii dalalka dibada ay Somaliland ku lahayd ay xidhmeen, waxaanu yidhi “Xukuumaddu dalka ay ka furanayso xafiis iyo halka aanay ka furanayn waa siyaasad xukuumadeed way jiraan xafiisyadii Somaliland, kuwo kale oo aan loo baahnayna waanu baabiinay. waxaanu qaadanay meelaha aan looga baahnayn wakiil ama xafiis aanu xidhno.”

Wasiirku waxa kale oo uu beeniyay eedo musuq maasuq oo agaasimaha is-casilay u soo jeediyay, waxaanu arrintaasi ku sifeeyay been abuur uu ku sababaynayo fashilaada ka soo wajahday shaqadiisa.

Gabiley news desk
contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: