26 December, 2011

Wasiirka Maaliyadda Oo Istiqlaaladii Uu U Gudbiyey Madaxwaynaha Ku Sababeeyey Khilaaf Ka Dhashay Shirkii Golaha Wasiiradda

Wasiirka Maaliyadda Oo Istiqlaaladii Uu U Gudbiyey Madaxwaynaha Ku Sababeeyey Khilaaf Ka Dhashay Shirkii Golaha Wasiiradda

Hargeysa, December 25, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka noqday istiqaalad uu habeen hore u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii u horeysay sheegay in laga heshiiyay wax uu ku tilmaamay khilaaf yar oo ka dhashay shirkii Golaha Wasiirrada ee khamiistii, kaas oo aanu cadaynin halka uu salka ku hayo.

Eng Maxamed Xaashi wax faah faahin ah kama uu bixin nuxurka khilaafka sababi gaadhay inuu xilka ka tago iyo wuxuu ku saabsanaa toona, hase yeeshee wuxuu ku gaabsaday in arrintaasi laga heshiiyay, isla markaanu uu hada si rasmi ah u soo shaqo tagay.

Wasiirka oo shalay u waramay Horn Cable Tv, waxa uu si kooban u yidhi isaga oo ka hadlaya waxa keenay Iscasilaadiisaas "Horta Arrintu wax weyn may ahayn, waxay ahayd shirkii Golaha Wasiirradda, Golaha Wasiirradana waxbaa lagu naaqishaa, waa lagu murmaa waxbaa lagu heshiiyaa oo waa wax caadi ah oo dhaca ayay ahayd, arrintiina way iska dhamaatay wax dhibaato ahi ma jiro, isla markaana waanigan shaqaynaya ee aad i arkayso".

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Arintaas dhalisay khilaafkaasna hada waxa loo saaray guddi oo arintaas inay soo baadho loo diray, waananu sugaynaa waxa ka soo baxa".

Ka noqoshadda go'aanka Wasiirka Maaliyadda ee uu ku saabsan Istiqlaalada uu Madaxwayne Siilaanyo habeen hore u gudbiyey, ayaa timid ka dib markii Madaxwaynaha habeen hore jilbaha isku dareen kulan muda saacado ah qaatay, kaas oo la sheegay inuu Madaxwaynuhu kaga diiday inuu ka aqbalo iscasilaadiisaas, isla markaana uu Wasiirka Maaliyaduna ka noqday go'aankiisii hore ee uu shaqada kaga tagayey.

 

No comments: