Shalay iyo Maanta :Xubnaha Fooda-Ku Hayayaasha EeQuudaraynaya Isku Shaandhaynta Golaha Xukuumada Iyo Siyaasiyiinta Kaambaynka Ugu Jira In Xilal Loo Magacaabo
Isku shaandhaynta golaha xukuumada ee barhayan dambe la hadal hayo in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku samayn doono golihiisa xukuumada, oo aanay ilaa hada Madaxtooyadu war ka soo saarin siday wax uga jiraan, wararka ku saabsan isku shaandhaynta golaha xukuumada iyo wakhtiga la filayo in Madaxweynuhu talaabadaasi qaadi doono, ayaa hadana waaxa jira xubno quudaraynaya in xukuumada xilal looga dhiibo, haddii Madaxweyne Siilaanyo isku badal ku sameeyo golihiisa xukuumada.
Xubnahaasi oo iskugu jira kuwo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadii hore ee uu gadhwadeenka ka ahaa gudoomiyaha xisbiga Udub Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno kale oo cusub oo aan xilal ka soo qabanin Somaliland, kuwaas oo qaar ka mid ahi markii hore xilalka laga qaaday ay xisbiga Kulmiye ku biireen.
Inkastoo aan si rasmiya loo ogayn shakhsiyaadka saaxada hadal hayntooda laysla dhex marayo magacyadooda inay fooda ku hayayaal u yihiin in xukuumada lagu soo daro iyo in kale, ayaa hadana xubnaha siyaasiyiinta ah ee la sheegay inay loolan kaambayn ugu jiraan ka mid noqoshada xukuumada, ayaa waxa ka mid ah:-
1: Wasiirka hore ee Kullumaysiga iyo khayraadka bada Axmed Xuseen Oomane, oo kulmiye ku biiray.
2: Wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka Axmed Xasan Caafi (Kulmiye)
3: Wasiir ku xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha Aadan Hoori (Kulmiye)
4: Wasiirkii hore ee Boosta iyo Isgaadhsiinta Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule)
5: Wasiirkii hore ee Warfaahinta Xasan Mawliid Axmed, oo isaga xilligii xukuumada cusub la soo dhisayay inta loo magacaabay wakiilka Somaliland ee Faransiiska la sheegay in la hakiyey magacaabistiisa, kuna biiray xisbiga Kulmiye xilligii ololihii doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay June 2010-kii.
6: Gudoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale.
7: Agaasimihii hore ee Maaliyada Cabdi Cumar Gudaal (Axmed Daa'uud)
8: Wasiirkii hore ee Cadaalada C/xamiid Garaad Jaamac
9: iyo nin lagu magacaabo Cabdillaahi Shariif, oo isaguna ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka Buuhoodle, oo qubo joog ah, kana mid ahaa saraakiishii Nabad sugida ee Somalia, ayaa la sheegay inuu quudaraynayo hay'ada Sirdoonka Qaranka Somaliland.
No comments:
Post a Comment