Heshiis Qarsoodi Ah Oo Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Iyo Xoghayaha Guurtidu La Galeen SONSAF Oo Fashilmay
Hargeysa, December 25, 2011 (Haatuf) - Heshiis qarsoodiya oo ku saabsan habka loo soo dooranayo golaha guurtida oo ay wada galeen hay'adda SONSAF iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Siciid Jaamac Cali iyo xoghayaha golahaasi C/llaahi Ibraahin Habane (C/llaahi dheere) ayaa fashilmay ka dib markii koox ka mid ah xildhibaanada golahaasi kulan ay u qabatay hay'ada SONSAF Khamiistii todobaadkii hore ay ugu soo bandhigtay habka loo soo dooranayo golahooda, kaas oo ay mudanayaasha golahaasina ku tilmaameen arrin khiyaamo ah, oo hay'ada SONSAF kula kacday golaha guurtida.
Heshiiskan qarsoodiga ah ee SONSAF ayaa la sheegay inuu dhigayo in dadweynaha ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka afti laga soo waydiiyo habka ugu haboon ee golaha guurtida lagu soo dooran doono.
Heshiiskan qarsoodiga ah oo la sheegay inuu ku sexeexan yahay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Siciid Jaamac Cali, oo fadhi ay shalay iskugu yimaadeen mudanayaal tiradoodu gaadhayso 45 mudane oo ku qabsoomay xarunta golaha wakiilada, oo lagu sugayay in xoghayaha guurtida C/llaahi dheere wax laga waydiiyo qorshahan heshiis ayaanu gebi ahaanba ka soo xaadirin.
Hase yeeshee gudoomiye ku xigeenka labaad ee guurtida Siciid Jaamac Cali oo isagu ka soo xaadiray fadhigaasi ayaa la sheegay inuu golahooda u sheegay in heshiiskii ay wada galeen ay wax badani ka badalan yihiin, isla markaana arrinkaas uu iskaga leexiyay in Xoghaye C/llaahi Dheere wax laga waydiiyo.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Haatuf u xaqiijiyay in gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida, ahna ku simaha gudoomiyaha golahaasi Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre isagu golaha u cadeeyay in aanu wax war ah kala socon in heshiiskaasi lala galay SONSAF, waxaanu sheegay in arrinkaasi aanu waxba ka ogayn golaha khusaynin.
Qarshahan qarsoodiga ah ee SONSAF oo aqalabiyada golahaasi guurtidu ay ku tilmaameen arrin khiyaamo ah, isla markaana lagu minjo xaabinayo jiritaanka golahaasi, ayaa ilo wareedyadu intaa ku dareen in mooshin xilka lagaga xayuubinayo C/llaahi dheere ay golahaasi soo hor dhigi doonaan 36 mudane, kaas oo la sheegay inay dhamaystireen
No comments:
Post a Comment