26 December, 2011

Mudaharaad gilgilay Hargeysa,sababaha kelifay iyo shil lagu hoobtay maanta

Mudaharaad gilgilay Hargeysa,sababaha kelifay iyo shil lagu hoobtay maanta

Hargysa,-Mudaharaad balaadhan oo ay hor kacayeen dadweyne u badan dumar iyo caruur oo sita boodhadh ay ku xardhan yihiin qoraalo ku lid ah xukumada Siilaanyo ayaa ka dhacay xafaada Boqol iyo Kontonka ee magaalada Hargeysa.

Mudaharaadayaashu waxay ka dalbanayaan xukumada Siilaanyo adeegyada asaasiga ah sida laydhka iyo biyaha oo aanay gebi ahaanba helin beryahan danbe,waxaa kaloo intaas u wehelisa iyagoo ka cabanaayey habaaska ka kacaaya wadada boqol iyo kontonka oo qaybo ah taasoo oo ay dhawr jeer cabasho xukumada Siilaanyo iyo dawlada hooseba gaadhsiiyeen balse labada dhinacba iska dhegatireen sidii wax looga qaban lahaa.

Dadweynaha mudaharaadayey waxay sheegeen in dhismaha wadada xukumada Siilaanyo hagranaayso balse ay ka mid ahayd ballanqaadyadii ay codkooda ku siiyeen.ugu danbayntii mudaharadayaashu waxay sheegeen in hadaan baahiyahooda waxba laga qaban mudahaaradyadu ku sii fidi doonaan xaafadaha kale ee baahiyahan oo kale qaba maadaba xukumada Siilaanyo aad ugu nugushahay dhaliilaha iyo banaanbaxyada.

Dhinaca kale baabuur nooca xamuulka qaada ayaa galay ama jiidhay Hotel Al-jasiira oo ku yaalla dhinaca koonfur -bari ee isguulka Maxamuud Axmed Cali ee xaafada Dunbuluq ee Hargeysa ,gaadhigan oo geystay qasaare weyn waxaa ku dhintay laba qof waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo hadda la soo gaadhsiiyey cusbitaalka guud ee Hargeysa.

No comments: