Maxaa uga qorshaysan wasaarada waxbarashada SL. Gobolka Saaxil sanad dugsiyeedka 2012
In kasta oo ay Wasaarada Waxbarashda Somaliland ay la timi Dadaal dheeraad ah isla markaan ay ku guuleysetay in bilaash laga dhigo Waxbarshada Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Jamhuriyada SOMALILAND.
Hadana Fulinta aritani ma'aha mid fudud ama sahlan, Hirgelinteeda iyo meelmarinteedana waxaa looga fadhiyaa Wasaarada Waxbarshada Sland.
Ilaa hada Macalimiin gaadheysa ilaa iyo 345 macalin ayaan ku jirin Pay rollka wasaarada waxbrashada oo aan mushahar qaadan, macalimiintaasi waxay u badan yihiin kuwii mushaharka ka qaadan jirey lacagtii laga ururinjirey ardeyda dugsiyada dhexe iyo hoose ee dhawaan la joojiyey.
-Dhismayaasha fasalada waxbarashada oo koo kooban hadana ay dhigtaa ilaa iyo 80 ardey fasalkiiba.
- Macalimiinta ka howlgasha Dugsiyada Hoose iyo Dhexe oo aan tababarneyn ugu yaraan 25%.
- Waxaa aan iyaguna aan mushar joogto ah qaadan ilaaliyaasha ama washmaanada iskuulda Hoose iyo dhexe meelo badan oo Somaliland ka mid ah,
- Waxaan iyana cidi wax siin Dumarka nadiifiya iskuulada hoose iyo dhexe ee iskuulo badan oo Gobolada somaliland ah gaar ahaan Gobolka saaxil . Joojintii lacagtii iskuulda laga qaadi jirey waxa ay aad u wax yeeleysey iskuulada ku yaala Tuulooyinka iyo Degmooyinka faqiirka ah, kuwaas oo aaney iyaga ka dhisney Gudiyo waalidiin ah oo iskuulada ka caawiya xaga dayactirka ama gunada macalinta.
Sida aynu kawada dheregsanahay Gobolka Saaxil waa Gobolada ugu Tayada Hooseeya xaga Tacliinta Dhexe iyo Sareba marka la is bar-bar dhigo 6da Gobol ee Somalilan ka kooban tahay. wuxuu ka Hoos marey Gobolka Sool oo ahaan jirey Furin dagaal dhowr sano ka hor, taasna waxaa ka markhaati kacaaya Natiijadii Imtixaankii sanadkan 2011ka ee fasalada 8aad iyo 4aad ee Dugsiyada sare oo ardey badani ay keentay D-gradeqaar badanina ay Ku dhaceen
Taya darada Tacliinta Gobolka Saaxil waxay Sababtey in ay Reero aad u badani ay ka guuraan gobolka si ay caruurtooda tacliin fiican ula doontaa. waxay sababtey in Saaxil laga waayo macalin qualified ah oo wax ka dhiga dugsiyada Sare ee Gobolka. waxay sabatey in Gobolku ka muuqan waayo liskii ardeydii ugu Saresey Natiijooyinkii Imtixaanadii sanadkan 2011ka ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare. Waxay sababtey in uu Gobolku noqdo Gobolka hela Ardeyda ugu yar ee Scholarshipka hesha marka loo eego 6da gobol ee Gobolada SOMALILAND.
Hadaba DULUCDA QORMADANI waxay tahay Maxaa GOBOLKA saaxil uga Qorsheysan Sanad Dugsiyeedka 2012-13.??
Taasoo ka dib markii Waxbarashda Hoose iyo dhexe ee Somaliland laga dhigay Bilaash la rajeynayo in ay Sanadka soo socda ay fasalada koowaad is qori doonaan Guud ahaan Somaliland Ardey gaadheysa ilaa 64.000ardey. Gaar ahaan Gobolka Saaxil waxaa is qori doona ilaa iyo ardey Qiyaasteedu noqoneyso 3500 oo ardey.
Arintaas oo soo kordhin doontaa in loo baahdoMacalimiin badan, in loo baahdo fasalo dheeraad ah, in loo baahdo qalab waxbarsho oo dheeraad ah iyo Tababar hor leh oo la tababaro macalimiinta Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Gobolka.
Hadaba maadaama ay hore gobolka uga jireen Caqabado badan oo horyaaley Waxbarashada Gobolka waxaan kula Dar-daarmeynaa in Gudida Waxbarshda Gobolku ku darsadaan Qorshahooda cusub ee ay dhawaan ku bedeleen Qaabka loo qaadayo Imtixaanada Midh-termka Gobolka in ay ku darsadaan Qorshihii loo wajihii lahaa marka ay dhawaan bilaabanto is qoristii fasalada koowaad ama uulada taas oo la filaayo in ardey ka badan ku wii sanadihii hore ay is qori doonaan sanadkan maadaama bilaash laga dhigay Waxbrashadii Hoose iyo Dhexe ee SOMALILAND.
Wixii aan saxnay illaahay ayaa mahadeeda leh, wixii aan khaladnayna Shaydaan baa iska leh.
Waa BIlaahi TOWFIIQ,
GUDIDA FULINTA
EE KULAN UK
No comments:
Post a Comment