24 December, 2011

Maareeyaha Cusub Ee Dekadda Berbera Oo Si Rasmiya Xilkii Ula Wareegay Iyo Hadalo Kaftan Duurxul Ah Oo Madasha Laga Jeediyey

Maareeyaha Cusub Ee Dekadda Berbera Oo Si Rasmiya Xilkii Ula Wareegay Iyo Hadalo Kaftan Duurxul Ah Oo Madasha Laga Jeediyey
Hargeysa, December 23, 2011 (Haatuf) – Maareeyaha cusub ee Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor) ayaa shalay si rasmiya xilkii ugala wareegay maareeyihii hore ee Axmed Yuusuf Dirir.Xafladii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta dekadda Berbera, waxa ka soo qeyb galay badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Haystay (Ramaax), Maayarka Degmadda Berbera Cabdala Maxamed Carab, madaxda laamaha kala duwan ee marsada Berbera iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay.
Maareeyaha hore ee dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ku dooday inuu soo dhawaynayo xil ka qaadistiisa oo uu ku sifeeyay mid ka dhashay sunaha dawladnimo, waxaanu tilmaaamay inuu si niyadsami ah ugu wareejinayo maareeyaha cusub ee loo soo magacaabay.
Hadal kooban oo uu Maareeyihii hore madasha ka jeediyey, ayuu kaga xogwaramay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilkaas hayey, waxaanu si kooban u yidhi "Muddo lix iyo toban bilood ah oo aan xilka maareeyaha dekadda Berbera aan hayay waxaan isleeyahay wax badan oo dekaddu u baahnayd ayaad qabatay, wax badan oo ay u baahan tahayna way hadhsan yihiin, xilkana kolba qof baa haya waana sunne dawladnimo in la isbedelaa".
Axmed Yuusuf Dirir, waxa uu sheegay inuu wax weyn ka qabtay nidaamka shaqada ee dekadda Berbera, waxaanu xusay inuu dhismeyaal cusub ku soo kordhiyay Dekadda, waxanu shaqaalaha iyo madaxda laamaha dekada u soo jeediyay inay ula shaqeeyaan sidii ay isaga ula shaqeeyeen.
Maareeyaha cusub ee dekadda Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali xoor xoor) oo hadal kooban ka jeediyay madashaasi ayaa balan qaaday inuu xilkan u gudan doono si daacadnimo ku jirto, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay Madaxweyne Siilaanyo oo dib ugu soo magacaabay marsadda Berbera, isaga oo arimahaas ka hadlayana,waxa uu yidhi "Waxaan ku faraxsan nahay inay dekaddii Berbera mar kale masuuliyadeeda dawladdu igu soo celiso, arrintaasna waxaan si weyn ugu mahad naqayaa Madaxweynaha iyo dawladda uu madaxda u yahay oo dhan, waxaan balan qaadayaa inaan si daacadnimo ah ula shaqayn doono oo illaa halka u dambeysa ah".
Eng. Cali Xoor Xoor  isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi "Wax badan inaan halkan ka idhaahdo umaan kicin, laakiin waxaan jeclahay uun inaan ka dhawaajiyey inaan xilka Madaxwaynaha Somaliland iyo Dawladiisu ii garteen inaan si daacad ah u gudan doono, isla markaana aanan waxba ka hagran doonin, Waxyaabihii uu Maareeyihii hore ka tagay ee qabyada ahaana Insha Allaah waxaan balanqaadayaa  inaan dhamaystiro".
Waxa isaguna madasha ka hadlay Maayarka Degmadda Berbera Cabdalla Maxamed Carab (Cabdala Sandheere), waxaanu yidhi  "Wakhti badan ma haysano laakiin laba kalmood ayaan ka odhanayaa Munaasibadan sida wanaagan loo soo agaasimay ee Maareeyihii hore Axmed Yuusuf Dirir iyo kan cusubi Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), isaga Cali wax badan ka odhan maayo oo waxaan odhan lahaaba waxaan idhi maalintii uu xilkan hada loo magacaabay uu hore u wareejinayay, isla markaana waxaanu ahayn Saaxiibo wakhti dheer soo wada shaqeeyey, laakiin Maareeyaha hada la badalay Axmed Yuusuf Dirir ayaa waxyar ka odhan lahaa, run ahaantii waxaan qirayaa inuu waxwayn ka qabtay Dekada Berbera oo ah meesha Miisaanida dalku ka soo baxdo, runtii waxaan qirayaa mudadii sanadka iyo lixda bilood ahayd ee uu hayey xilkan uu maanta wareejinayo inuu wax badan ka qabtay Magaaladda Berbera, isla markaana uu yahay shakhsi balanta ilaaliya oo wixii aad ku balantaan isagu kaaga sii horaynaya, kuna raagi maayoo isagaaba wixii uu qabtay inooga waramay".
Maayar Cabdale isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi "Cali Xoor Xoor-na waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeeyo Masuuliyadaas uu maanta la wareegay, waanan ku hubaa inuu xilkan si wanaagsan u gudan doono waayo Dekadda hore ayuu Cali Xoor Xoor Madax ugu soo ahaa, waxbadana wuu ka qabtay. Aniga iyo Cali Xoor Xoor kolay dagaalo badan iyo Kaambayno badan ayaanu soo wada galnay, isla markaana hal mar mooyaane mar kale waligayo nalagama guulaysan, imikana waan ku faraxsanahay inuu mar kale ku soo noqdo xilkan oo aan qabo inuu ka soo bixi doono".
Waxa isaguna madasha ka hadlay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Haystay (Ramaax), "Maareeyihii hore ee Dekadda waxaan qirayaa inuu wax wayn ka qabtay Dekadda Berbera, isla markaana waxyaabo badan ku soo kordhiyey. Waxaan kale oo aan jeclahay inaan Jaaniskan uga faa'idaysto oo ahayd Sideebaad Cali Xoor Xoor u wada shaqayn doontaan, waxaan u sheegayaa Saxaafadda su'aashaas igu wareejinsay waanu wada shaqaynaynaa oo hore-na waanu u soo wada shaqaynay, isla markaana Cali Xoor Xoor waxaanu wada dhigan jirnay Dugsiga Farsamadda ee Burco ee Jarmalku lahaa inkasta oo uu iga yar sareeyey, markii danbena anigu waan ka tagay isagu wuu dhamaytay, markii danbena Xamar ayaanu iskugu nimid, wakhtigii aan Dekadda ka shaqaynayeyna si wanaagasn ayaanu u wada shaqaynay imikana waxaan cadaynayaa inaanu si wanaagsan u wada shaqayn doono".

No comments: