24 December, 2011

Masuuliyiinta Xisaabaadka Dekadda Berbera Oo Maareeyihii Hore Ku Eedeeyey Inuu Qariyey Dayn Badan Oo Lagu Lahaa

Masuuliyiinta Xisaabaadka Dekadda Berbera Oo Maareeyihii  Hore Ku Eedeeyey Inuu Qariyey Dayn Badan Oo Lagu Lahaa
Berbera, December 23, 2011 (Haatuf) - Xisaabiha Sare ee Dekadda Berbera Cismaan Axmed Cali (Ina Axmed Haadi) oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Xisaabaadka Dekadda ayaa Maareeyihii hore Axmed Yuusuf Dirir ku eedeeyey inuu qariyey lacag dayn ah oo badan oo lagu lahaa dekadda, kaas oo sheegay inu Maareeyihii hore ka hadlay oo kaliya lacagta Accounkooda ugu jirta oo kaliya.
Waxaanay sidaas ku sheegeen shir jaraa'id oo ay shalay qabteen ka dib markii ay dhamaatay Xil wareejintii labada Maareeye, kaas oo ay kaga hadleen xisaabo badan.
 "Waxaanu doonaynaa inaanu idiin sheegno xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dekadda iyo xisaabta dhabta ah ee uu ka tagay Maareeyihii hore oo maanta xilka wareejiyey sida ay tahay, wixii Baanka noogu jira ama Somali ha ahaato ama Doolar ha ahaatee iyo wixii uu dayn Maareeyihii hore nagaga tagay".
 "Lacagta daynta ah ee uu Maareeyihii hore nagaga tagay waa 118 kun iyo Sagaal Doolar, isla markaana lacagta Daynta ah ee Somaliland Shilings ee uu nagaga tagayna waa 1 bilyan, sadex boqol iyo sideed iyo siteetan kun, laba boqol iyo 72 kun iyo 88 Shilings. Taasi waxay noqonaysa lacagta daynta ah ee uu Maareeyuhu nagaga tagay, hadaba marka aanu lacagta dhabta ah ee Accounka noogu jirta aanu idiin sheegno ee aanu labadii Xisaabood kala jarno waxa nagu hadhaya iyo waxa noo soo hadhaya waxaanu jecel nahay inaanu idiin sheegno. Lacagta adag ee Accounkayaga noogu jirtaa waa 300, koobiya afartan kun, lix boqol iyo 84 doolar ayaa noogu jirta Xisaabtayada waana Totalka guud, marka dayntii hore aan idiin sheegay ee ahayd 118 kun iyo Sagaalka Doolar, waxaa Accoounkayaga noogu hadhaysa 200 boqol, 23 iyo Lixboqol 75 Doolar ayey noqonaysaa Xisaabta noogu hadhaysaa marka dayntii nalagu lahaa laga jaro. Lacagta Soomaaliga ah ee Baanka noogu jirtaa waa 528 Malyan, 2672 Shiling Somaliland ah ayaa Baanka noogu jirta, marka lacagtaa Baanka noo taala laga jaro lacagta daynta ah ee uu Maareeyihii hore ka tagay waxa dayn ahaan daalac naloogu yeelanayaa 860 Malyan, 216 kun oo dayn ah ayaa nalagu yeelanayaa oo nagu taagan".

No comments: