24 December, 2011

Tirada Hablaha Kufsiga Lagula Kaco Oo Xawli Ku Socda, Shaqo La’aanta Dhalinyarada Oo Qayb Ka Ah Iyo Waalidka Oo Aan Ka War Hayn Xiliyada Gabadhoodu Xafladaha U Baxayso

Tirada Hablaha Kufsiga Lagula Kaco Oo Xawli Ku Socda, Shaqo La'aanta Dhalinyarada Oo Qayb Ka Ah Iyo Waalidka Oo Aan Ka War Hayn Xiliyada Gabadhoodu Xafladaha U Baxayso
"Bishii Ilaa 10 Hablood In Ka Badan Ayaa Naloo Keenaa, Dadka Falalkan Kufsi Ku Kacaa Waxay U Badan Yihiin Dhalinyaro (Active Group), Xafiiska SARC Waxa Ugu Diyaar Ah Hablo Bileys Ah, Looyarkii Iyo Adeegyadii Kale" Axmed Daahir, Maamulaha Cusbitaalka/Madaxa Xafiiska SARC
Hargeysa, December 23, 2011 (Haatuf) – Tirada Hablaha da'yarta ah ee lagula kaco falalka Kufsiga ayaa muddooyinkan u dambeeyey caasimada Hargeysa si xawli ah ugu soo kordhaya, kuwaas oo la sheegay inay geystaan Wiilal dhalinyaro u badan, gaar ahaan kuwa shaqo la'aantu ragaadisay ee ku sugan Xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa.
Hablaha weerarka bahalnimada ah lagula kaco ayaa la sheegay inay da'doodu u badan tahay 20 jir wixii ka hooseeya, inkata oo ay jiraan caruur isugu jirtaa Hablo iyo Inamo sidoo kale  lagula kaco falal faro-xumayn ah, sida uu sheegay Xafiiska SARC oo Cusbitaalka guud ee Hargeysa u qaabilsan dadka falalka Kufsiga lagula kaco.
Maamulka Cusbitaalka, isla markaana ah Madaxa Xafiiska SARC Axmed Daahir Aadan oo maalintii shalay Wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Haatuf oo booqday Xafiiskooda si ay wax uga ogaadaan dhibaatooyinka la soo darsa Hablaha Kufsiga lala beegsado ayaa sheegay in ku dhawaad Bishii 10 Hablood oo falal Kufsi loo geystay ay xafiiskoodan wax ugu qabtaan, waxaanu yidhi "Bishii ilaa toboneeye in ka badan inay noo yimaadaan ayaa suuragal ah, hablaha dhibaatooyinka Kufsiga loo geystaan ee xafiiskan yimaadaa waxa ay da'doodu u dhaxayso 20 iyo wixii ka yar, waxaana ku jira Caruur Hablo iyo Inamo aad u yaryar oo la faraxumeeyey, isla markaana tiradoodu way sii kordhayso, waxaana hablaha naloo keeno ka mid ah kuwo ay Kufsadeen ugu yaraan saddex Nin, kuwaa oo aan xataa la ogayn inay caafimaad qabaa oo laga yaabo inay qabaan xanuunada lagu kala qaado galmada, sida Jabtida ilaa Aid-ka oo kale, kuwaas oo ka qayb qaadanaya waxyeelooyinka Kufsigu soo gaadhsiiyo Hablaha".
Maamulaha Cusbitaalka iyo Madaxa SARC Axmed Daahir Aadan mar uu ka hadlayey Raga geysta falalka Kufsiga Hablaha iyo waxyaabaha xafiiskoodu uu u qabto dhibanayaasha ayaa waxa uu yidhi "Dadka falalkan Kufsiga ku kacaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro, waa Active group-ka kuwa loo yaqaano, shaqo la'aanta dhalinyarada haysataana waa ka qayb weeyaan, Markaa waxa muhiimka ahi waxa weeyaan dad Islaam ah ayaynu nahay in diinta lagu dhaqmo ayaa muhiim ah, macnihii Diintu waxa xun oo dhan ayaa inaga joogsanaya, in caruurtan xaafadaha tuban dib loogu celiyo waxbarashadii ama dee camal loo sameeyo, Saldhigu waa Diinta Islaamka oo lagu dhaqmo oo lagaga leexan lahaa xumaantan oo dhan.
Inantii yarayd Aroos baan tagay bay odhanaysaa, Arooskaas inta laga soo raacay ayay u badan yihiin Hablaha la Kufsadaa, markaa waalidiintu inay aad ula socdaan ayaa la gudboon, markaa Hooyada ayaa loo baahan yahay inay si weyn uga war hayso oo ay la socoto inanteeda. Xafiiskan ku dhex yaala Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Hablaha la keeno waxa ugu diyaar ah hablo isugu jira Bileys, Looyarkii iyo adeegyadii kale ee Caafimaadka u qabanayey, taas oo loogu talo galay in gabadha waxyeeladu ka soo gaadhay Rag hadana ay Ragg kiiskeeda baadhaan taasi waxa ay ku dhalinaysaa dareen sas leh, balse Hablo marka ay u adeegaan maskaxdeedii ayaa dagaysa".
Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in Raga loo qabto falalka Kufsiga ah in aan lagu sii dayn xeer jajab ay odayaal gadhwadeen ka yihiin, balse ay maxkamaduhu mariyaan ciqaabta faldambiyeedka uu ku kacay.

No comments: