01 December, 2011

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Booqasho Ku Tagay Magaaladda Gabiley Iyo Lix.....



Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Booqasho Ku Tagay Magaaladda Gabiley Iyo Lix Ka Mid Ah Dadkii Soo Dhawaynayey Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Bari Ee Gabiley.


Hargeysa (Ramaas) Dec 1,2011 – Lix qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ayaa dhaawacyo kala gedisan ka soo gaadheen shil gaadhi oo goor dhawayd ka dhacay duleedka bari ee Magaaladda Gabiley.


Dadkan shilka ku dhaawacmay oo qaarkood gacmuhu maqan yihiin ayaa waxa ay ka mid ahaayeen boqolaal taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo maanta ka qayb-qaadanayey soo dhawaynta guddoomiyaha xisbigaa Md Muuse Biixi Cabdi oo safar ku tagay Magaaladda Gabilay.


Dadkan oo badh ka mid ah dhaawacyadooda la soo gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay dhaawacooda sababey shil baabuur oo ka dhacay duleedka bari ee Magaaladda Hargeysa, waxayna dadkani ka mid ahaayeen dad weftiga Gudoomiyaha kaga hor yimid inta u dhaxaysa Arabsiyo iyo Gabiley.


Dadkan oo RAMAAS cisbitaalka ku booqatay ayaa isla-markaana qaarkood koomo ku jiraan ayaa magacyadoodu kala yihiin sida:


1 . Yuusuf Cillmi Ayaanle oo 44 jir ah, gacanta bidix ayaana go’day


2. Sayid Xasaan Muuse oo 35 jir ah.


3. Aaden Maxemed Aaden oo 37 ah.


4 . Khadar Xuseen Cigge oo 40 jir ah .


5. Dirawalkii gaadhiga shilka galay oo isagu koomo ku jira isla-markaana ay noo suurto-gali wayday inaanu magaciisa xaqiijino iyo waliba hal qof oo aan wakhtigaa cisbitaallka la keenin.


Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu safarkiisa sii watay isla-markaana aan u joojin dadka soo dhawayntiisa khasaaruhu ka soo gaadhay.






Ramaasnews Desk


Hargeisa




http://samotalis.blogspot.com/

1 comment:

Khadar Yusuf said...

Dirawalka Koomada ku jira magaciisu waa: Mowlid Muse,,, waan u ducaynaynaa in Alle caafimaad saliim ah siiyo dhamaan dadka ku dhaawacmay shilkan