01 December, 2011

Dhanxiir; Weger; Barwaaqadaaba dhacday! Adeer

Dhanxiir; Weger; Barwaaqadaaba dhacday! Adeer, shidaalkan aad sheegayso xaguu joogaa sawtan dawladeennii shirkado kale u xawishay

Maansha Allaah; Alleylehe, hadda ayeynu barwaaqo madaxa la galaynaa oo suxullada dufan ka leefi doonaa, mar haddii dalkeenna shidaal laga soo saarayo oo shirkadihii waaweynaa inoo soo tartamayaan. Kaalay arag ceelasha baasiinku ceegaago ee Berbera hoos hoganaya. Ingiriiskan aqoonsigeenna cidhibtirka argagixisada ku xidhayna waxaan leeyahay shilinkayaga ayaa ictiraaf noo goyn doonee maad cawryi doontaa?

Weger; Barwaaqadaaba dhacday! Adeer, shidaalkan aad sheegayso xaguu joogaa sawtan dawladeennii shirkado kale u xawishay dhaqaalihii ka soo bixi lahaa oo dhan ee weliba tidhi; 'Waxaba wada qaata shidaal baa Berbera laga helayba magac noogu filane.' Talow cidda heshiiskan saxeexday ma quluufta ayey ajaanib ka yihiin, mise baasaaboorrada shisheeye ee ay haystaan bay ku doorsoomeen? Cajiib!

No comments: