01 December, 2011

Maleeshiyo Ka Tirsan PuntlandOo Ceelaayo Ku Kufsaday Dumar Iyo Shirkad Faroole Heshiis Kula Galay Sahaminta Khayraadka Sanaag Oo Ku Soo Jeeda Laasqoray

Maleeshiyo Ka Tirsan PuntlandOo Ceelaayo Ku Kufsaday Dumar Iyo Shirkad Faroole Heshiis Kula Galay Sahaminta Khayraadka Sanaag Oo Ku Soo Jeeda Laasqoray

Hargeysa, November 30, 2011 (Haatuf) - Maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ee shirkada Sarican ee calooshood u shaqaystayaashu ku tababaraan deegaanka Qaw ee xadka bariga Somaliland saldhiga ku leh ayaa doraad la sheegay inay usoo talaabeen degmada Ceeleeyo ee cidhifka bari ee Somalialnd, kuwaas oo deegaankaasi faraxumayn iyo xad gudub ugu gaystay haween reer Somaliland ah oo deegaankaasi meherado Maqaaxiyo Shaah ku haystay.

Maleeshiyadan ay shirkada Sarican ee caloosh u shaqaystayaasha South Africanka ahi ku tababarayaan deegaanka Qaw ayaa la sheegay in saddex dumar ah ay ku faro xumeeyeen degmada Ceelaayo, halkaas oo dad goob joog ahi Haatuf u xaqiijiyeen in dadweynaha ku dhaqan deegaanada bariga Sanaag ay dareen gadood ah ka muujiyeen faro xumaynta Puntland ee shirkada Serican ay ka sameeyeen deegaanadaasi Ceelaayo iyo xadgudubka ay ku soo sameeyeen xaduuda Somaliland.

Maleeshiyadan Puntland ee fadhigoodu yahay tuulada Qaw oo ku taala xuduuda kala qaybisa Somaliland iyo Somalia, ayaa ilo wareedyadu sheegayaan inay fulin doonaan heshiiska sahaminta shidaalka ee madaxweynaha Puntland Faroole kula galay African Oil oo laga leeyahay dalka Canada inay ka bilawdo shidaal qodis laba ceel oo ku yaala degmada Laasqoray ee bariga Sanaag, kuwaas oo ilo wareedyaduna tibaaxeen in badhtamaha bisha December ay ka bilaabi doonto deegaanadaasi.

No comments: