26 October, 2011

“Hadii Uu Yidhi Jaamac Yare Cafis Kumaan Iman Waxaanu Soo Bandhigi Doonaa Waraaqdii Cadaynta.....

"Hadii Uu Yidhi Jaamac Yare Cafis Kumaan Iman Waxaanu Soo Bandhigi Doonaa Waraaqdii Cadaynta Ahayd, Waxaanu Yidhi Waxaan Ka Noqday Wixii Aan Aaminsanaa Ee Somaliwayn"

Agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga C/laahi Xuseen Cige (Balaaki)

Hargeysa, October 25, 2011 (Haatuf) – Agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga C/laahi Xuseen Cige (Balaaki) ayaa iska difaacay war uu qoray wargeyska Haatuf, kaas oo sheegayey in Madaxtooyaddu ay sii daysay siyaasiga Cabdala X. Cali, waxaanu tilmaamay in Cabdalle lagu sii daayey damaanad, isla markaana aanay sii dayntiisa wax lug ah ku lahayn Madaxtooyadu.

C/laahi Balaak ayaa waxa uu tibaaxay in Cabdale X. Cali lagu haysto dambi hore oo ka la moodayo ka duwan, kaas oo baadhistiisuna socoto, kaas oo sheegay in ay baadhistu socon doonto inta uu damaanada ku joogo.

C/laahi Xuseen Cige ayaa waxa kale oo uu ka hadlay in hadii uu Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) yidhaahdo cafis kumaan iman dalka inay soo bandhigi doonaan waraaqihii uu ku codsaday, isla markaana uu ku sheegay inuu ka noqday mabda'i uu mudada dheer aaminsanaa ee Somaliwayn-nimada.

Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab Shirjaraa'id ku qabtay Hutel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi "Waxaan beeninayaa warka shalay ku soo baxay Haatuf, kaas oo sheegaya in Siyaasiga Cabdala X. Cali ay Madaxtooyadu sii daysay iyada oo ay baadhistii socoto, waxaan hortiina ka cadaynayaa in hadalkaasi aanay waxba ka jirin, isla markaana Madaxtooyadu aanay waxna xidhin waxna sii daynin, dalkuna uu leeyahay hay'addo dambi baadhiseed oo hadii uu qofku dambiile yahay oo uu danbigu ku cadaado iyagu xidha oo hadii la sii daynayo-na iyagu markay baadhistooda xaqiiqada ku ogaadaan iyagu sii daaya. Markaa waxaan leeyahay arintaas Madaxtooyada ee aad tidhaahdeen C/laahi baa yidhi waxba kama jiraa, waxaanan mar labaad hortiina ka cadaynayaa in Cabdala dawladdu xidhay oo baadhisi ku socoto imikana lagu sii daayey Damaanad, taas oo uu qofku xaq u leeyahay in damaanad lagu sii daayo, mida kale waa in aad kala ogaataan in damaanada aanay Madaxtooyadu bixinin ee ay hay'addaha dambi baadhista loola tago".

Agaasimaha Daakhiliga mar la waydiiyey sababta keentay in Cabdalle X. Cali la xidho, isla markaana Jaamac Yare oo ay wada socdeena aan lala hadal, waxa ay ku dhacday, waxa uu yidhi "Jaamac Maxamud Qaalib (Jaamac Yare) dalka waxa uu ku yimid cafis uu Madaxwaynaha Jamhuriyadda Somaliland u soo qortay, Madaxwaynuhuna markii uu ku qancay cafiskaas uu u soo qortay ayuu cafiskii ka aqbalay, isla markaana uu dalka ku yimid oo Cabdalle Xaaji Cali-na hore loogu fidiyey. Hadii uu yidhi Jaamac Yare cafis kumaan iman dalka iyo hadii aanu odhanba warqadii cadaynta ahayd ee uu ku soo codsaday Cafiska ee uu leeyahay waxaan ka noqday wixii aan aaminsaa ee Somaliwayn-ta waanu haynaa. Jaamac yare cafiskiisaas markii uu Madaxwaynuhu ku qancay ee ay odayaashiisii iyo dadkiisana ay u keeneen inuu ku qanacsan yahay iyaguna ay damaanad ka yihiin ayuu Madaxwaynuhu cafis u fidiyey.

Arinta Cabdale hada lagu haystaana maaha cafis hore loogu fidiyey ee waa dambi hore oo kaa ka gadisan oo kaa ka danbeeyey baadhistiisiina way socotaa, imikana baadhistiisii way socotaa".

No comments: