29 October, 2011

Cirro Oo Sheegay Goortuu Ka Degi Doono Gudoomiyenimada Barlamaanka

Cirro Oo Sheegay Goortuu Ka Degi Doono Gudoomiyenimada Barlamaanka

Hargysa-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo todobaadkan olole siyaasadeed balaadhan ka waday gobolada galbeedka Somaliland siiba Boorama iyo Gebilay ayaa mar u saxaafada qaar ka mid ah shalay ugu waramay hotelkuu deganaa ee Rays Hotel cadeeyay inuu ka degaayo xilka gudoomiyenimada golaha wakiilada oo keliya marka waqtiga barlamaanku gudoomiyaha u yahay dhamaado oo ku began sanadka 2013ka,wuxuna intaas raaciyey in damaciisu yahay inuu isu soo sharaxo jagada madaxweynenimo ee Somaliland sanadka 2015 la filaayo inay qabsoonto oo uu dhawr jeer sheegay inay talaabo keliya ka xigto.

Mr.Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inaanay sharaysan xisbiyada Kulmiye iyo Udub maadaba urur siyaasadeedkiisu yahay urur cusub oo saaxada siyaasada Somaliland ku soo biiray.wuxuu yidhi asxaabtii horena saaxiibaanu la nahay kuwo cusubna saaxiib baanu la noqon doonaa.wuxuu kaloo sheegay inaanu culays gaara ku hayn udub iyo kulmiye midkoodna laakiin wuxuu yidhi waxaan leeyahay saaxiibaday aan soo wada galo garoonka kubadana kala badino.


No comments: