05 September, 2011

War saxaafadeed Xisbiga UCID- Ay Soo Saareen Xagani Ka Akhriso


War saxaafadeed Xisbiga UCID- Ay Soo Saareen Xagani Ka Akhriso

Written by UCID 

Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa munaasibadda ciidul fidriga awgeed, dhammaan ummadaha muslimka ah, gaar ahaan shacab-weynaha reer Somaliland iyada oo lagu jiro maalmihii Ciidda oo aanaan jeclayn in aaanu ka hadalno wax liddi ku ah Ciidul-Fidrida. Hadana waxa shalay oo taariikhdu ku beegnayd 3dii 9, 2011, war saxaafadeed soo saaray Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo hore uga mid ahaan jiray Xisbiga UCID, laakiin sharciga xisbigu eryey.

War saxaafadeedkaasi oo aanu u meel dayin isla markaana u tafa xaytay oo caddaystay cayda iyo been abuurka uu ka samaynayo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, taasi oo aad mooddo in uu quus ka taagan yahay sidii ay u dhacday dooddii maxkamadda ama gar naqsigii maxkamadda ee uu waliba dacwoodaha ka ahaa, isla markaana uu miciinsanayo aflagaado. Arrintaasi oo ka dhigan ‘Nin Daad Qaaday Xunbo Cuskay". Haddaba guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, maaha mid loo sharraxayo shacab weynaha reer Somaliland ee waa nin marka Somaliland dimuquraadiyadeeda taaba gashay laga hadlayo la xasuusto reer Somaliland-na si wanaagsan uga dharagsanyihiin.

Arrinta maxkamaddana Adiga (Aadan Waqaf), ayaa jebiyay kadib markii aad tiraba laba jeer war saxaafadeed soo saartay iyada oo amarka maxkamaddu ahaa in aan wax war ah ama yoo,yootan ah la soo saarin inta arrintan lagu kala baxayo. Maxkamadda sharafta leh ayaanu u daynaynaa arrintaasi waxa ay ka odhanayso.

Sidaa daraadeed, waxa aanu war saxaafadeedkayaga ku soo koobaynaa in xisbiga UCID yahay xisbi qaran ee aanu waxba u noqon doonin toddoba qof oo sharciga xisbigu eryey. Toddobadan qof oo ka hor taagnaa shacab badan oo soo gali lahaa xisbiga, waxaanan leenahay Aadan Mire Waqaf ha sugo maxkamadda sharafta lihi inta ay go’aan ka soo saarayso.

Allaa mahad leh

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID

Maxamed Cali Muuse (jiir)

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: