04 September, 2011

Madaxweyne Siiraanyo Oo Xeer Madaxweyne Ku Magacaabay Gudida Diiwaangalinta Ururda Siyaasada

Madaxweyne Siiraanyo Oo Xeer Madaxweyne Ku Magacaabay Gudida Diiwaangalinta Ururda Siyaasada.
03/09/2011
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku magacaabay Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Madaxweynuhu :
:
Markuu Arkay: Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL.
Wuxuu go'aansaday
In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood, oo ay kala ah:
1. Cabdalle Ibraahim Maxamed
2. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3. Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4. Cumar Xasan Jaamac
5. Maxamed Cabdi Maalik
6. Aadan Geedi Qayadi
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

No comments: