05 September, 2011

Dadweynaha Oo Khaati Ka Taagan Kooxo Bilays Ah Oo Habeenkii Ku Qadhaabta Isgoysyada Jidadka Xaafadaha Koodbuur Ee Caasimada


Dadweynaha Oo Khaati Ka Taagan Kooxo Bilays Ah Oo Habeenkii Ku Qadhaabta Isgoysyada Jidadka Xaafadaha Koodbuur Ee Caasimada

Hargeysa,(HAATUF)-Dadweynaha ku dhaqan Caasimada dalka ee Hargeysa ayaa cabasho weyn ka muujinaya kooxo ka tirsan ciidanka Bilayska ee sida gaar ah habeenkii u joogsada isgoysyada Jidadka Kaalinta Indha-Birta, Kaalinta Total ee xaafada Jigjiga yar, isgoyska Xero Awr iyo Xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay in gaadiidka isticmaala habeenkii jidadkaasi ay ku xanibaan haddii ay lacag u dhiibi waayaan, iyaga oo inta badana qaar ka mid ahi Ilaalintii amaanka ay kaga mashquulaan maxaabsiga gaadiidka isticmaala jidadkaasi xilliyada habeenkii.

Ciidanka Bilayska ayaan si guud uga hawlgalin qaybaha kale ee degmooyinka Caasimada Hargeysa jidadka kala duwan ee ku yaala, balse ku kooban isgoysyada jidadka xaafadaha degmada Koodbuur.

Ilaa hada si cad looma oga asbaabaha ciidanka Bilayska loogu koobay degmada Koodbuur, kuwaas oo ilaa xilligii hore ee Taliyaha ciidanka Bilayska Maxamed Saqadhi Dubad jidadkaasi la dhigi jiray, markii dib loo soo magacaabayna uu ugu yimid jidadkaasi cayiman ee habeenkii ay istaagaan.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada Koodbuur ayaa iyagu cabashada ay naga soo gaadhsiiyeen kooxda Bilayska ee habeenkii jidadka istaaga, ayaa sheegay inay kala kulmaan cago juglayn iyo weedho hanjabaad ah, gaadiidka wax u fiiqi (lacag) waayana goobahaasi, islamarkaana ka dhiga gaadiidka.


Haatuf


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: