31 August, 2011

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Xiliga Dalka Laga Hirgelinayo Idaacad weyn oo Gobolada wada gaadha

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Xiliga Dalka Laga Hirgelinayo Idaacad weyn oo Gobolada wada gaadha

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta ee Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta daboolka ka qaaday in bisha October ee sannadkan 2011 ay wadanka keeni doonaan idaacad awood badan oo dalka oo dhan wada gaadhaysa.

waxa uu Wasiirku hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Rays ee magaalada Boorame oo uu Socdaal shaqo ku joogo.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta ee Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu ka warbixiyay waxqabadyada kala duwan ee wasaarada warfaafinta ka hirgalay mudadii ay xukuumada cusub ee uu ka tirsan yahay ay talada dalka haysay waxaanu xusay in markii u horaysay ay ku guulaysteen in telefishanka qaranka la gaadhsiiyay guud ahaan qaarada yurub isagoo talaabadaas ku tilmaamay mid ka mid ah waxqabadyada ay u xusul duuban yihiin hirgalintooda.

Md. Xaabsade, waxa uu ka hadlay baahida ay ummada Somaliland u qabto sidii loo heli lahaa idaacad wada kafaysa dalka waxaanu cadeeyay in qorshaha ku talo galkoodu uu yahay sidii bisha tobnaad ee sannadkan 2011 ay u keeni lahaayeen idaacadii weynayd ee ay xukuumadu balan qaaday isla markaana ay si sharci ah u naadiyeen shirkadda keenaysa taasoo mar hore soo dhamaatay.

Wasiirka Warfaafintu ku dooday in xukuumadiisu ay si hufan ula Dhaqanto saxaafada madaxa banaan ee dalka waxaanu carabaabay inaanu jirin wax cabudhin ah oo dawladu ku hayso warbaahinta.

Wasiirku waxa uu ku eedeeyay qaar ka mid ah saxaafada dalka inay baahiyaan warar uu ku sifeeyay xajiimayn oo wax u dhimi kara sumcada qaranimada Somaliland iyo dedaalada loogu jiro in qarankani aqoonsi caalami ah ka helo adduun weynaha.

Wasiirku waxa uu ku booriyay in suxufiyiinta gobolka Awdal ay bulshadooda ugu adeegaan si wadaniyadi ku jirto kana dhawrsoonaadaan wax kastoo iska horkeenaya ummadooda isla markaana ay kaalintooda ka ciyaaraan sii xoojinta horumarka iyo nabadgalyada dalka.
\

Wasiirka oo wax laga weydiiyay waxay ka yeelayaan mas'uuliyiintii degmada Taleex ee Gobolka Sool ee ay horaantii bishan afduubeen ciidamo ka tirsan maamulka Garoowe waxa uu sheegay in arrintan loo saaray gudi todoba xubnood ah oo ka tirsan golaha Wasiirada oo hawshan ku dhex jira isagoo intaas ku daray in sida uu dhakhsaha badan ay ku soo dhamaan doonto.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com


No comments: