07 May, 2010

WAR HADDA SOO DHACAY:TAAGEERAYAASHA LABADA XISBI EE KULMIYE IYO UDUB OO MAR KALE ISKU DHACAY MAGAALADA CEERIGAABO


WAR HADDA SOO DHACAY:TAAGEERAYAASHA LABADA XISBI EE KULMIYE IYO UDUB OO MAR KALE ISKU DHACAY MAGAALADA CEERIGAABO


Taagerayaasha labada Xisbi Qaran ee Kulmiye Iyo Udub ayaa saaka isku dhacay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag , Gudoomiyaha ololaha Doorashooyinka Xisbiga Kulmiye Mudane Dr.Maxamed Cabdi Gaboose iyo Wafti uu hogaaminayo oo saaka gaadhay magaalada Ceerigaabo halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey ayaa waxa dhacay in Taageerayaasha Xisbiga Udub ee talada hayaa ay halkaa ka bilaabeen buuq iyo qaylo ka dib markii uu Dr Gaboose is yidhi kala hadal dadkii soo dhaweeyey meel fagaare ah  taas oo markii danbe isu bedeshay gacan ka hadal iyo dhagax tuur dhex mara labada taageere ee xisbiyada Udub iyo Kulmiye…

Ilaa hadda waxa la xaqiijiyay dhaawaca laba ruux oo midi Xabadi kaga  dhacday garabka oo kala ah Ruux dumar ah iyo Nin waxa kale oo la burburiyey Xafiisyada Kulmiye Iyo Udub sidoo kale waxa murayaadaha laga jajabiyay baabuur badan waxaana la dhagxaameeyey guryo badan .

Ka dib markii rabashaduhu bilaabeen muddona ay la tacaalyeen Ciidmada Booliska ee magaalada ayaa waxa soo galay Ciidamda qaranka qaybta Lixaad  kuwaas oo aakhirkii soo celiyay xasiloonidii haddana magaaladu way degan tahay magaaladana waxa gaaf wareegaya ciidamda malatariga oo ku gaashaaman gawaadhida loo yaqaan Tiknikada .

Waftigii uu hogaaminaya Dr Gaboose ayaa isna ku sugan Hoygii loogu talagalay in uu dego mudada uu ku sugan yahay Magaalada, Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee heer Gobol ee Gobolka Sanaag ayaa eeda waxa dhacay dusha ka saaray xisbiga talada haya ee UDUB.

Isku dhacan saaka ka dhacay Ceerigaabo ayaa noqonaya markii labaad ee ay isku dhacaan labada taageere ee xisbiyada UDUB iyo Kulmiye iyada bisha June la filayo in ay doorashada madaxtooyadu ka qabsoonto dalka , Isku dhacaas hore oo todbaadkan gudhiisa ka dhacaday magaalada Burco ee Gobolka Togdheer…

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

No comments: