30 April, 2010

Dhanxiir iyo Doorashooyinka

Dhanxiir iyo Doorashooyinka

Maansha Allaah; Alleylehe waa kuwaa komishankii Qaranku dhiiranaan muujiyey ee reerkii geediga ahaa Juun ku furay, doorashadan loo haraad qabana foodkeedii loo dareerayo, kol haday SEEFARKII madaxeena mijaha u rogay ee mudada dheer foosha ku jiray ay ka umuliyeen, takale Juun waa bilqabaw oo xidigeedu taagan yahay, waana bishii Ingiriisku inaga tagay ee dunidu ina aqoosatay, markaa doorkana Ilaahay kheyrkeeda ha ina siiyo, sharkeedana ha ina hareer mariyo.

Weger; Adeer; ilaa waraaqda la ii dhiibo oo sanduuqa cugashada aan dul tago dhegahayga Juun bay doorasho dhacaysaaye, waxaad ka warantaa dhaqaalahan lagu bixinayo budhcad-badeeda ee gaal iyo islaamba lagu yaboohay tallow quruskeenii ma la inoo gooyey, mise qoladan Aw Rayaale iyo xertiisa ayaa ku sii fara laabi doono si ay masaariif uga dhigtaan marka lagu dhawaaqo natiijada doorashadda



Jamhuuriya Online

No comments: