18 January, 2010

Waddanka inqilaab kama dhicine, korneyl Saqadhi wuu ku qasban yahay in uu Amarka Guddoomiyaha Guurtida ku dhaqmo, halka uu Ku-Simaha ka hadal hayo!!


Wax laga khajilo, lagana xishoodo waxa ahaa in Taliyihii dhammaa ee Ciidanka Boolisku yidhaahdo, Amarka uu Bixiyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ,  Mr. Saleebaan Maxamuud Aadanna mooyi cid loo dhiibey, ee haddii aannu Booliska nahay annagu ka ku-Simihiisa ayaannu socodsiineynaa!! Taliye waxaad na xusuusineysaa Maamulkii Siyaad Barre ee Maamulaha la hoos geyn jire Musbaar Madaxtooyada laga hago ee waxa uu Mas'uulku amro marka loola tago jexjeexi jirey.!! Taliye-Ciidan Amni ,  marka uu Mas'uul yahay, Shuruucda iyo Dastuurka Dalka in uu ku dhaqmo weeye. Mr. Saqadhi Dubbad , qaran ayaad u shaqeysaaye qof uma shaqeysid, Ciidanka Booliska in loo adeegsado sifooyin shuruucda Dalka ka baxsanna cidi  kaa yeeli mayso ee Mudane bal hadda jilci macnaha aad Guddoomiihii Golahana amarkiisa u hor-joogsaneyso, kii ku-Simihiisana u fulineyso, qodobkee, Xeerkee ayaad ku shaqeyneysaa markaa?!! Illeyn dalka inqilaab kama dhicine oo Dastuurkii iyo shuruucdiiba waa halkoodiiye!!.
 
Maamulku in uu khilaafka Golaha Guurtida isagu wado , hagayo , oo uu hoggaaminayo , arrintani ayaa ka marag fureysa. Mudane Saqadhi, waxa ummaddu  uga fadhidaa in uu waayo-aragnimadiisa dheer ee Ciidan-qarannimo,  uga fa'ideeyo dalkiisan xeeladda muuqata ee khalkhal gelinta amniga laga wado uu dabin-Amni u dhigo kuwa dhibaha ka wada ee in isaga laftiisu khilaaf Siyaasadeed/shuruuceed Gole-qaran laga dhex aloosey oo ay madaxtooyadu hoggaamineyso uu dhexgalo may fileyn ummaddiisa Somaliland !! Mudanuhu, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka ee uu u dhaartey , yey kala mudnaanin, amar dusha lagaga keeno oo an sharci ahayn, oo uu diidi karo!! "Law-tresspass" aad arkeyso, ogtahayna in anu sharci ahayn waxa lagugu amrayaa, mid uu qiil ku heleyo hadhaw ,waa lay amrey maaha , waanu ogyahay Taliyuhu. Booliska Somaliland , waxaanu leenahay , waar u hoggaansama shuruucda Dalka , ruux go'ay iyo roob galbeed , midkoodna hadduu Galbado, gadaal uma soo noqdee,  Maamulkani idinku soo noqon maayo, doorshada dabadeede !! Waana rabitaan Bulsho, indhaha iyo dhegihiinna ku hubiya hadalkan oo bal maqla cid hadal haysa oo an ahayn inta mushaharka ugu dabran !!
 
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed
 
 
 


No comments: