18 January, 2010

Warsaxaafadeed ay soo wada saareen labada Xisbi


War-saxaafadeed 
UCID IYO KULMIYE Date: 18 JANUARY 2009


Fadhi deg deg  ah oo madaxda sare ee labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE isaga yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 18/1/2010 oo ay isla qaadaa dhigeen xaalada guud ee dalku maraayo gaar ahaan khilaafkan kazoo laba kacleeyay Golaha Guurtida taasoo ula muuqata inay caqabad ku noqonayso geedisodkii dimuqraadiyada iyo doorashada madaxtooyada ee qabanqaabadeeda lagu gudo jiro, waxay  Dood iyo falaynqayn dheer ka dib ay isla  qaateen  qodobadan hoos ku qoran:

1.       Khilaafka  ka dhex  aloosmay Golaha Guurtida wuxuu khalkhal galinayaa geedisocdkii doorashada madaxtooyada.

2.       Waxaanu aad ula yaabanahay kana soo   horjeednaa ciidamada la dhoobay goloyaasha iyada oo aan wax dhibaata ah iyo nabadgalyo xumi  ahi aanay jirin ayna  hawshoodii caadiga ahayd wataan.

3.       Waxaanu ka war helnay  inuu Taliyaha Bilaysku diiday qoraalkii uu Gudoomiyaha Guurtidu kaga dalbanaayay in uu ciidanka ka dul qaado golaha,taasoo meelka dhac ku ah habmaamuuska qaranka ee distooriga ah ,sababta oo ah Gudoomiyaha Golaha Guurtidu waa shakhsiga labaad maamuus ahaan ee madaxweynaha ku xiga.

4.       Waxaanu aad u canbaaraynaynaa fidmada iyo xaalad abuurka laga faafinaayo warbaahinta qaranka  ,waxaase nasiib darro ah oo curfiga dawladnimo ka soo hor jeeda in warbaahinta qaranka laga aflagaadeeyo madaxda qaranka ee ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha goloyaasha sharci dajinta iyo madaxda axsaabta qaranka.

Talo soo jeedin

(a)    Waxaanu usoo jeedinaynaa golaha guurtida gaar ahaan shirgudoonka guurtida in ay si odaynimo oo degen u dhamaystaan khilaafkaa ka dhex oogmay oo aanay dalka u horseedin khilaaf siyaasadeed oo hor leh iyo kala qaybsanaan.

(b)   Labada xisbi ee                 UCID IYO KULMIYE waxay diyaar u yihiin inay si muwaadinimo ah oo danta  qaranku ku jirto uga qayb qaataan isu soo dhawaynta golaha  guurtida.    

 

Wa Billaahi tawfiiq,


 

 

GUD/XIGEENKA 1AAD ,AHANA                                          GUD/XIGEENKA 1AAD, AHANA

KUSIMAHA GUD. XISBIGA UCID                                         KUSIMAHA GUD. XISBIGA KULMIYE

Md,AADAN MAXAMED MIRE WAQAF                              MD,MUUSE BIIXI CABDI                          

Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa
 

 

No comments: