18 January, 2010

Mudanayaal G. Wakiilada ka tirsan oo ka jawaabay hadalka soo yeedhay Badhasaabka Maroodi-jeex

Mudanayaal G. Wakiilada ka tirsan oo ka jawaabay hadalka soo yeedhay Badhasaabka Maroodi-jeex

Hargeysa - Mudanayaal ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cambaareeyay hadal ka soo yeedhay Badhasaabka gobolka Hargeysa.

Khamiistii aynu ka soo gudubnay, Badhasaabka gobolka Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Daa'uud oo shir jaraa'id qabtay, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta gobolka Togdheer ka soo jeedaa wadaan dhaqamo aan wanaagsanayn oo aanay Hargeysa caado u lahayn, wuxuuna dadka reer Burco ugu baaqay inay dib ula noqdaan, soona shaandheeyaan siyaasiyiinta degaankooda ka soo jeeda.

Hase yeeshee, Xil. Xusseen Maxamed Cige iyo Xil. Xaashi Xusseen Caabi oo labaduba ka tirsan golaha Wakiillada, kana soo baxay gobollada Hargeysa iyo Togdheer, waxay cambaareeyeen hadalkaa ka soo yeedhay Guddoomiyaha gobolka Hargeysa.

Mudaneyaashaas oo shalay ka hadlayay xaflad xisbiga UCID taageerayaal ugu sameeyay Hargeysa, waxay eedayn u jeediyeen Xukuumadda oo ay sheegeen inay ka gaabisay wax-ka-qabashada adeegyada bulshada, kuna hawlan tahay musuqmaasuqa hantida umadda. "Waa wax lala yaabo sida uu u hadlay Badhasaabka gobolka Hargeysa," ayuu yidhi Xildhibaan Xusseen Maxamed Cige. Waxa uu sheegay in markii Xukuumaddu bishii September ee aynu ka soo gudubnay ay albaabada u xidhay golaha Wakiilladu ay taageero ka heleen bulshada reer Somaliland. "Markii Wakiilladu dhabar-adagaygeen ee shacabku is garabtaagay, toodii baa meel martay. Laakiin, maanta Guurtidaa la calaalinayaa," ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray; "Saddex Miisaaniyadood baa lagu daray bedelka lacagta Giimbaarta ah ee Burco, haddana Madaxtooyadaa cuntay."

Sidoo kale, Xil. Xaashi Xuseen Caabi oo hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu sheegay in golaha Wakiilladu quus ka taagan yihiin wixii ay filayeen inay bulshadooda danyarta u badan u qabtaan, ka dib markii ay dagaal adag la gashay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. "Dagaal wayn baa nalala galay, cid wax qabana la dooni maayo. Shuruucda aanu samaynay waxba lagama hirgelin," ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray; "Maamulka maanta talada hayaa wax uu ku faani karo dalka umuu qaban…Rag ina Rayaale ka mid yahay baa xaaraan dalka ku haysta, maalin walbana Ascaartu way kordhaysaa."

Xil. Xaashi Xusseen waxa uu sheegay in hadalka Guddoomiyaha gobolka Hargeysa bulshada reer Somaliland ku kala qaybqaybiyay ay ka tarjumayso siyaasadda Xukuumadda talada dalka haysa. "Dhawr todobaad ka hor, wuxuu yidhi (Badhasaabka Hargeysa) 'Dooxa Hargeysa marka laga bilaabo ee Koonfur looga dhaqaaqo ayay xumaantu ka bilaabantaa', wuxuuna ka tarjumayaa Xukuumaddu dalka ku wado," ayuu yidhi Xil. Xaashi.

No comments: