18 January, 2010

Xukuumadda Somaliland oo dalka ka masaafurinaysa khuburo ajaanib ah

Xukuumadda Somaliland oo dalka ka masaafurinaysa khuburo ajaanib ah

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan Xukuumaddu ka soo saartay arrintaas, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeyska Ogaal u sheegeen, Khubaradan Injineerada ah oo tiradoodu saddex qof tahay waxay u dhasheen dalalka Masar iyo Suudaan, kuwaasoo muddo saddex todobaad ah dalka u joogay dhismaha Maxjar xanaanada Xoolaha loogu talogalay oo laga bineeyay magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Maxjarkan oo ay dhisayaan ganacsato wadani ahi ay Xukuumaddu joojisay, isla markaana xayiraad saartay ganacsiga u dhoofaya iyo kuwa u soo degaya Shirkadda ganacsiga Indhadeero oo wakiil u ah Shirkadda dhisaysa Maxjarkan. "Khubaradani waxay markii hore dalka ku soo galeen sifo Sharci ah. Maxjarkan waxa ruqsad looga helay dalka Sucuudiga, waxaana dhisaya ganacsato wadani ah. Laakiin, Xukuumaddaa xoog ku joojisay dhismihiisa oo laga bilaabay Berbera," ayuu yidhi mid ka mid ah ganacsatada wadaniga ah oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal. "Xukuumaddu waxay tidhi hala joojiyo dhismaha, Injineeraduna dalka haka baxaan, laakiin Shirkaddu way diiday, waxayna tidhi; 'Sharci maaha in kuwa Al-Jaabirina joogaan, kuwana la saaro,' dabadeedna, Xukuumaddu – gaar ahaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo guddiga Nabadgelyadu waxay soo saareen qoraal ay ku xayirayaan in wax ganacsi ahi dekedda Berbera uga dhoofo, ugana soo degi karo Shirkadda Indhadeero….Maalmihii u dambeeyay Berbera waxa ka taagnaa khilaaf arrintaa ku saabsan. Laakiin, ugu dambayntii markii Shirkaddu ogolaatay in Khubaradu baxaan, waa loo ogolaaday in Xoolo ay dhoofinaysay oo maalmo ku xayirnaa Berbera ay baxaan oo la dhoofiyo," ayuu raaciyay.

Sida warku sheegay, Khubaradan Injineerada ah oo dalka u joogay dhismaha Maxjarka, waxa shalay loo soo wareejiyay dhinaca magaalada Hargeysa, waxaana sida qorshuhu yahay maanta laga mastaafurin doonaa dalka.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments: