Xuseen Aw Jaamac Jabriil
BBC Burco
Magaalada Laas-Caanood waxaa caawa lagu dilay Cismaan Faarax Cabdi oo ahaa taliyaha qeybta hawlgallada ee gobolka Sool.
Warbixinta
Sarkaalka ayaa waxa la sheegay inay dileen rag hubeysan xilli oo uu ka soo baxay masaajid oo uu sii galayay gurigiisa.
Sida uu BBC u sheegay taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Sool waxa ay ciidamadu bilaabeen baaritaan.
Lama oga cidda ka danbeysay weerarkaasi.
Magaalada Laas Caanood ayaa horey waxaa dhawr jeer loogu dilay madax sare, iyadoo weerarana lagu qaaday ciidamada booliiska iyo madaxdooda.
No comments:
Post a Comment