16 January, 2010

Suldaan Saleebaan Cali ismaaciil oo Sheegay in UDUB ay u Isticmaashay si Qaldan Raali Galina ka Bixiyay Hadaladii Shirkii Shalay oo ahaa mid Ujeedo Fog Lahaa

Suldaan Saleebaan Cali ismaaciil oo Sheegay in UDUB ay u Isticmaashay si Qaldan Raali Galina ka Bixiyay Hadaladii Shirkii Shalay oo ahaa mid Ujeedo Fog Lahaa

SAYLICIPRESS- Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday maanta in shalay ay masuuliyiinta xisbiga UDUB ula macaamileen sixun kadib markii ay ka qayb galiyeen shirujeedo fog lahaa balse isaga looga dhigay in uu yahay mid lagaga wada hadlayo xaalada jasiiradaha sacaadadiin iyo ceebaad.

Suldaankan ayaa la sheegay inuu cabira dareenkiisa ku wajahan waxayaabaha dhacay waxana uu yidhi (waxa ay ii qariyeen waxaanan ogayn, waxay iga dhigeen suldaan nabad diid ah, waan xanuunsanaa markii ay meesha I keeneen, waxay ka faa'iidaysteen isfahamla'aanta ka dhaxaysa aniga iyo salaadiinta kale ee saaxiibay ah mana dhici karto inaan taako ka mid ah dhulka dadka reer awdal iyo salal uga tanaasulo cid kale oo ka soo duushay gobolo kale).

Xiisada ka dhalatay hadaladii suldaanka ee shalay ayaa waxa ay noqotay mid gaadhay meelo fog laguna war hayay meelkasta oo gobolka ah isla markaana lala yaabay sababta keentay in suldaanku uu saas u hadlo, waxaase la isku qacinayaa in suldaanka si qaldan loo isticmaalay lana aqbali karo raaligalintiisa waxa la ogaadayna ay tahay in xukuumada rayaale iyo taageerayaashiisu ay yihiin kuwo uu cimrigoodii dhacay oo aan rajo badan lahayn kuna dhaqmaya siyaasad ah qaybi oo xukun.

Abdale Ali Yusuf

Borama Awdal
+25224456820

Saylicipress .

No comments: