11 January, 2010

Madax-dhaqameedyo ka soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Salal oo si Kulul u Cambaareeyey Xukuumadda Rayaale

Madax-dhaqameedyo ka soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Salal oo si Kulul u Cambaareeyey Xukuumadda Rayaale

"Jasiiraduhu way ka wayn yihiin wax qof kireeyo.. Waxaana dhici doona inaan maqalno Somaliland-na waa la iibinayaa"

Chief Caaqill Daahir Cismaan Cilmi (Taajaro)

Boorama (Jam)- Madax dhaqameedyadda gobolada Awdal iyo Salal, ayaa xukuumadda madaxweyne Rayaale ku eedeeyey xilgudasho la'aan iyo inay ka dambayso colaada ka aloosan deegaanka Ceelberdaale ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee Gabiley iyo Awdal.

Madax-dhaqameedyo tiradoodu gaadhayso 44 xubnood oo ka soo kala jeeda jeeda Awdal iyo Salal oo shalay shir-jaar'id ku qabtay hudheelka Maano Guesta House ee magaaladda Boorama, ayaa cambaareeyey wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Rayaale oo ay sheegeen inay saxaafadda ka aflagaadeeyeen sallaadiinta reer Awdal.

Waxa kale oo madax-dhaqameedyadaasi ka hadleen jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad oo ay sheegeen inay tahay meel ay ku kaydsan yihiin hanti ummadda ka dhaxaysa oo aany cidina si gaara ah ugu tagri fali karin.

Chief Caaqill Daahir Cismaan Cilmi (Taajaro) oo shirka jaraa'id ka hadlay, ayaa sheegay in jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad yihiin wax ka weyn wax qof la siiyo, isaga oo xusay in xukuumaddu aanay ka fikirin faa'iidooyinka ay jasiiradahaa ku qabaan dadka deegaanka iyo xayawaanku, balse qiimaynaysa faa'iidada ay ka helayso shirkadaha ay dabada ku wadato ee lagu wareejinayo jasiiradaha.

"Jasiiraduhu way ka wayn yihiin wax qof kireeyo, xukuumaduna kama fikirin isbar-bardhiga faa'iidada ay jasiiradahan ku qabaan dadka dagaanka iyo xayawaanku iyo shariikadaha ay dabada ku wataan, waxaana dhici doona inaan maqalno Somaliland-na waa la iibinayaa," ayuu yidhi; Chief Caaqil Tajaaro.

Waxaa Chief Caaqil Daahir Cilmi uu si kulul u cambaareeyey siyaasiyiin waawayn oo ka tirsan xisbiga UDUB iyo xukuumadaba oo uu ku eedeeyey inay wax ka sheegeen socdaalkii salaadiinta reer Awdal ku tageen magaaladda Saylac, waxaanu hadalada wasiirada iyo siyaasiyiinta UDUB ku sifeeyey qaar meel ka dhac ku ah sallaadiinta iyo madax-dhaqameedyada.

Waxaanu Chief Caaqli Daahir Cilmi hadalkiisa ku soo xidhay inay wasiirada xukuumadda ka tirsani gartaan xilka saran, kuna soo laabtaan saaxadda dhaqanka, garawsadaana ixtiraamka ay mudan yihiin salaadiintu.

Sheekh Maxamed Cabdillaahi Muuse Xoogbadane oo ka mid ahaa sallaadiintii kormeerka ku tagay Saylac ee xukuumaddu ka horjoogsatay inay booqdaan jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad, ayaa isaga oo kor u haya nuqul ka mid ah wargeyska Jamhuuriya oo ay ku qornaayeen masuuliyiin xukuumadda madaxweyne Rayaale ka tirsan oo dhaliilo u jeediyey sallaadiinta reer Awdal, waxa xukuumadda ugu baaqay inay dib ugu noqoto asluubtii iyo ixtiraamka ay mudanyihiin madaxdhaqameedyada reer Somaliland.

"Waxaa qoray joornaalkan rag siyaasad aan wax ka garnayn oo dhaqankoodii sii dhimanayo oo ay la qaloocatay arrintii salaadiintu, waaxaan xasuusinayaa in odayaasha dhaqanku ay la cimri yihiin diinta Nabi Maxamed (SCW) iyo diinta Nabi Muuse (CW) isla markaana wax badan laga xasuusan karo kaalintii uu Abuu Daalib ka qaatay difaacida rasuuslka (scw), sidaa aawadeed siyaasiyiintan uu deelqaafku ka soo yeedhay, waxan leeyahay dib ugu noqda asluubta iyo dhaqanka, ixtiraamna u muujiyaan salaadinta," ayuu yidhi; Sheekh Xoog Badane.

Waxa kale oo Sheekhu ka hadlay doorka diinta islaamka iyo sida ay u ilaalisay hantida kaydka ah ee ay dadku wadagaan, isaga oo soo daliishaday aayado Qur'aan ah iyo axaadiis saxeexa oo ka hadlaya hantida kaydka ah iyo sida ay u haboon tahay in la wadda illaashado. Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; "Islaamku wuu illaaliyey hantida kaydka ah ee ay dadku wada leeyihiin u jeedaduna waxaa ay tahay in jiilka soo koraaya loo reebo dhaxal gal."

Caaqil Cilmi Faarax Wacays oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ku nuux-nuuxsaday in sallaadiintu aanay cidna u daba fadhiisan doonin xaqa ay u leeyihiin inay waajibkooda gutaan, isaga masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan saxaafadda ka aflagaadeeyey madax-dhaqameedyada reer Awdal-na ku tilmaamay inay yihiin qaar ummadda isku diraya oo aan wax wanaag ah u wadin.

"Waligayo maanu maqal in la yidhaa sallaadinta socod kooda waa la kaantaroolayaa iyo in dhul ummadda u dhex ah la yidhaa hebel baa leh, waxanan leeyahay jasiiraddaha waa lagu gafay ee arrinkeeda ha laga noqdo, salaadintuna waa sharaftii ummadda, cidda wax ka sheegaysana waxaa haboon inay ka fiirsato waxa ay ka sheegayso.

Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka ee salladiinta aflagaadaynayaa waa ninka arrinta qaloociyey, hawshana bilaabay, dhulkii ummadana ka raacay danihiisa gaarka ah, markaa intii uu ceebtiisa ogaan lahaana maaha inuu sallaadiinta ceebeeyo, waxana ay ku kooban tahay waar ceebaysane ceebtaada ogow," ayuu yidhi; Caaqil Cilmi.

Waxa uu Caaqil Cilmi xukuumadda ku dhaliilay gudasho la'aanta xilkeeda, isaga oo ku eedeeyey inay ka dambayso colaadda ka taagan deegaanka Ceelberdaale, isla markaana ku guuldaraysatay inay wax ka qabato nabad-galyodarada ay shakhsiyaadka baxsadka ahi ka wadaan inta u dhaxaysa deegaannada Dila iyo Kalabaydh, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; "Waar wali nabaro aan bogsan ayaa ummadda ku yaala, ninka xilkiisa gudan waaya ee xukuumadda ka tirsani ha iscasilo."

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maxamed Ilkacase oo ku hadlaayey magaca dhalinyarada iyo waxgaradka reer Boorama, waxanu xusay inay 100% taageersan yihiin baaqa ay shalay soo saareen madaxdhaqameedyadu iyo go'aan kii hore ee salladiinta reer Awdal ee ku waajahnaa iibka jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad, isaga oo xusay inay faragelinta jasiiradahan ku dhiiran xukunkii gumaystaha Ingiriiska, dawladihii rayidka ahaa ee guumaysiga dabadii soo maray xukunkii Somaliya, dawladii kelidii taliyihii Siyaad Barre, xukuumadihii Cabdiraxmaan Tuur iyo Marxuum Cigaal ee isaga dambeyey Somaliland.



Jamhuuriya Online

No comments: