11 January, 2010

Faysal cali Waraabe Oo Madaxweyne Rayaale U Soo Diray Digniin iyo...


Faysal cali Waraabe Oo Madaxweyne Rayaale U Soo Diray Digniin iyo Hanjabaad

Hargeysa(Geeska) -Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay inuu ka dambeeyo xiisadda ka taagan Golaha Guurtida Somaliland ee ku salaysan go'aanka ay shirguddoonku ku bedeleen guddigii joogtada ahayd oo uu muran ka aloosmay.
Guddoomiye Faysal, oo isagoo jooga magaalada Helsink ee dalka Finland, xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Madaxweyne Rayaale, ku eedeeyay inuu doonayo in dalku baaba'o.  "Qaskaas laga wado Golaha Guurtida, wakhtigan doorashada loo diyaar garoobayo, waxaanu u aragnaa qas loola jeedo in Somalialnd dhibaato lagu gaadhsiiyo, aniga shaqsiyana way ii cadaatay in Rayaale doonayo inuu dalkan baabiiyo, waxase aanu arrintan u haysanaa odayaasha waxaas ku kacaya ee uu iimaankii ka tagay ee adduunka oo dhan laga hadal hayo waxay ku hadlayaan." Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaas raaciyay, "Odayaashii la doonayay inay danta iyo wanaaga ka shaqeeyaan ee xilka loo sameeyay ahaa inay umadda isku wadaan ayaa hadda doonaya inay gacan siiyaan nin dalkan dhaqaale ahaan iyo sumcad ahaanba baabiiyay, maantana aanu doonayno in doorasho lagaga soo gaaadho. Waxan oo dhana wuxuu u samaynayaa inaanay doorasho dhicin."

Faysal, oo si gaar ah ula hadlaya Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi, "Waxaan ugu bushaaraynayaa haddii uu doorahada mar dambe sagsaago inay dadku xaq u leeyihiin in si alla sidii xilka lagaga qaadayo lagu dhaqaaqi doono. Waxaanan uga digayaa Madaxweyne Rayaale dalkan intuu dhibaato gaadhsiin lahaa wuu gaadhsiiyee, inuu Alle ka cabsado oo haddii uu waayay cid ka qabata uu dalkan ka daayo dhibaatada."

Faysal, isagoo la hadlaya odayaasha Golaha Guurtida, waxa uu yidhi, "Waxaan u sheegayaa odayaasha amarka ka soo qaadanaya Rayaale ee umadda rogaya in alle aanu ku nabad gelinayn dambigaas ay umadda masaakiinta ah ee dhulkoodii la iibsaday ka galayaan."

Faysal, isagoo dadka shacabka ah la hadlaya wuxuu yidhi, "Waxaan leeyahay shacabka odayaashaas is hortaaga oo gacmaha is qabsada, dalkii aad dhigiina u hurteen ayaa la doonayaa in hortiina lagu burburiyo, shacbiga waxaan leeyahay kaca oo qabyaaladda iska dhaafa oo gacmaha is qabsada.  Waa in la kacaa, Maxamed Siyaad Barre ayaynu iska celinee, waa inaan Rayaale iyo afarta odayba iska qabanaa oo oday walba gurigiisa loogu tagaa. Dambigaas golaha ka ocdana odayaasha ayaa ka masuul ah ee sidaas ha ula socdaan."

Guddoomiye Faysal, waxa uu sheegay inuu toddobaadkan safar ku tagi doono magaalada Brussels ee dalka Beljam, halkaas oo uu kulamo kula soo yeelan doono diblomaasiyiin shisheeye iyo dadyow kale.

Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa


No comments: