17 January, 2010

Gebogebada Filimka Nasiibdrradu, ee Dalku, ma qurux badna, haddii aan caqliga Ummaddu shaqeyn imika!!


Waxan Dalka ka socdaa , maaha filim ama Riyo dhalanteeda oo indho sarcaad inoo hormareysa , ee waa Duulimaad lagu soo duuley Guulihii duhurka cad Halgankii hubeysnaa lagu soo hooyey. Waa xaasidnimo rag ku qaay dano hoose Taliskii Afka u dhacay ama ku bahaloobey boobkii iyo dhacii waqtigaa jirey , oo afku ka ballaadhey ay sad bursi ku doonayaan loogu soo gabbadey dalkan.
 
Waxa hbboon in laysweyddiyo su'aalaha ah, haddii uu Maamulkanu Doorashada qaran ee Dalkan ee uu ku dhammaan lahaa Geeddi-Socodka Siyaasadeed uu ku qabto waqtigii Dastuuriga ahaa ee soo muddo dhaafey, qaraxyadan, Dilalkan iyo jaahwareerradii Dastuuriga ahaa ee Maamulku keenay, Guddiyadii dhexdhexaadinta ee Mudanka Bulshadu isku xilqaami jireen, Kan ugu dambeeyey ee Bulshada caalamku isku xilqaantay iyo Dilalkan ilaa imika Laas-Caanood ka socdaa dhici  lahaayeen?
 
Muddadan aan Dastuurka Waafaqsaneyn ee Guurtidu u boobtey Riyaale iyo ku Xigeenkiisa , Mushkiladdan ka aloosan Golaha Guurtida waqtiga Doorasho iyo Mas'uuliinta ka sheeganysa ummadda ay xilka u hayaan Muwaadiniinta Gobollada qaar oo ay yaqiin u garanayaan in aanay kuwan ay ka sheeganayaan dhulka la'aantood samo ugu ledeen waxa ay ka sheeganayaan!! Miyaaney ahayn Somaliland-diidnimo iyo kala qaybin Bulshada midka ah oo dad deegaanka sheeganaya loo soo heeryeeyey?
 
Ummaddu ma is-weydiisey, Marka odey dhaqammadii Awdal, Sulaadiin,Cuqaal, Ganacsato iyo Aqoon yahanka jaziirdaha Sacaadaddin iyo ee  Dalka inay soo booqdaan lagaga horjoogsado, waraaq dhaqdhaqaad inay ka  soo qaataan Madaxtooyada , Maxaa karaamadii ummadda loola hadhey? miyaanay ahayn arrintii shaley igama qudhunto oo igama gubato!! Labaatan sano oo ka lumay Dalkan ,isaga oo Nabadgelyo intaaba ahaa , ay maanta ka dhacayaan waxan oo dilal aan cid loo qabaneyn iyo Muranno aan loo Baahneyn, maxaa lagu qaci karaa ee horjoogey? Selfishnimo, jahli iyo qabiil ?
 
Mudane Axmed Nuux Furre, ku simihii Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaarto ayuubkan uu in uu ku murmo wax aan lagu murmi karin, garab gorayeyntan Maamulka ee Ciidanka iyo Teknikada lagula wareegayo, Waddada dhinac walba laga xidhey ee Golaha hor marta,
ma tawraddu waa dhab iyo weligaa hay dambe ayaa rajo qaar imika toosey ka qabaan?mise Dalkaba jago dnta Guud ah oo shacabka laga siiyey ay kala weyn? Kusime-Guddoomiye awood uu wiixii lagaga tegey waxaan ahayn ku kordhiyo ma laha!! Xeeladdanuna mid in xataa la jalleeco mudan maaha!!
 
Haddii Maamul ku- simid laguugu dhiibo, intaa lagaaga tegey Maamulkeeda mooyaane bal qaanuun kasta ha la keeno , ina sanweyne shuruucdiisii ha la adeegsado ee Inqilab cad ma u noqoneyso nimanka gardarrada garabka og la  gucleynaya. Maamulku marka uu wax suuxinayona , Maamul Dawladeed  aan sal sharciya oo Aduunku ku aqoonsadey lahayn ayuu ku dhacaa wax,. Marka ay dhibaato ku timaaddona ilmada yaxaaska ayuu Beelaha u qubaa, Muwaadinnimo!! You can't have it both ways, sir!!
 
San gaabta aan u soo qabano'e Mudane Madaxweynaha Dalku, ma waxa uu intaas oo Muddo-dhaaf doorasho, qaraxyo, dhagaro Siyaasadeed, hanti lunsiga aan gabbashada lahayn, iibinta aan baahi qaran ku salaysneyn ee Hantidii ma guurtada ahayd ee qaranka iyo dhulkii danta guud ee ummadda u xaraashayey Maamulkiisu xeelad ku soo saarkiisa mar labaad iyada oo wax muteysi ah aan laga wda hadleyn?
 
odeyadan jibbeysan ama ha doolar wareeraan ama xisabo kale ha kula socdaane miyaanaey akhriyin Dibnaha Bulshda,  Toban qoraal haddii ay u ansixiyaan Golahan inqilaabka laga wado, Saxeexa Bulshada la'aanteed in aan qaraarradaasi Albaabka Golaha Guurtida dhaafeyn sow xaqiiqo la hubo maaha?Madaxnimo Xeelad iyo Xoog midna laguma helo ee Mas'uuliintan sidii ardeydii Imtixaanka inay eegtaan ardeyda kale wqtigu ugaga lumi jirey, inaanu waqti kaga lumin, daka iyo Ummaddana lagu wareerin
Waxaan faa'ido u dhaleyn in laysla eego miyaaney habbooneyn.
 
Waar dood-furan oo mucaarid iyo Muxaafidba lagu lafo-guro arrintan Mas'uuliinta Dalka lagu leynayo sida qabow ee aan cid loo qabanayaa jitrin iyada oo Cidamadu heegan ay yihiin mid cuntameysa maaha ee in Aqoonta la adeegsado aynu Musiibadan ummaddeenna kaga badbaadino, Cadowgan ku dhexjirana gacanta ugu dhigno  laysaga yimaaddo miyanay habbooneyn. Waxa Alle mahaddii ah in Muwaadiniinta Dalku si aad u xooggan uga qayliyeen hadalkii Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ka soo yeedhey, si fiican oo ruux waddaniyeed lehna , u raalli-gelisey Gobolladii la aflagaaddeeyey. waana mid lagu yiqiin ee wax ugub ah maaha!!
 
HASHA AY BULSHADA SOMALILAND AFARTANKA SANO QAALI IYO RAQIISBA U HURTEY,EE AY IMIKA DABADA HAYSATO, WXAAN BULHADU KA RALI AHAYN NINKA ULA YIMAADDA, HA  OGAADO INAY 20 SANO U SOO SAMREYSEY, LANA DAYACAY , WIXII KA GAADHANA AANU WAXAAN NAFTIISA AHAYN EERSAN. DAMAC AAN CAQLI HOGGAAMINEYN AYAAN  ARKAA , dULQAADKA UMMADDA OO
EBER CAGAGAYNAYA AYAAN ARKAA, DOOBIR, DOOBIR !!
  
Dr. Cali Cabdi Muxumed

 


No comments: