17 January, 2010

Burco waa hoygii xoriyadda , Qaranimada ,sharafta iyo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland, qabyaalad iyo af xumana ma geydo

 Qalinka: Engineer Mohamed Ali
Timacade News Network (TNN)

Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan shacbiga walaalahayga ah ee reer Somaliland,waxaan dhammaantiin
Allaha weyn idiinka rajaynayaa  inuu idin waafajiyo liibaanta  aakhiro iyo ta adduunyo labadaba.

Waxaan kale oo aan   u mahad naqayaa  una hambalyeynayaa dhammaan saxaafadda Somaliland,inta dareenka leh
ee dalkeeda iyo dadkeedba habeen iyo maalinba u shaqeyseysa.

Aan soo bandhigo dulucda qoraalkaygan ,oo aan rabo inaan wax ka idhaahdo hadalada
ka soo yeedhay ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Daauud, badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex,
caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weedhahaasi oo aan ka dhegeystay Radio Horyaal,habeenkii Khamiista,bisha  January 14, 2010,waxaa ka mid ahaa," Reer Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba dad wanaagsan wey leeyihiin
, laakiin inta qaska,carroogga iyo bilaawaha  ka dhex  wadda Golaha Guurtida waa reer Burco,far baana ku godan reer Burco
iyo annagu Cabdi waraabe iyo Sheekh Ibrahim  baanu keenaye  cid u dhigma reer Burcooy keena."

Wareysigaas oo dhammaystiranna dhagahaaga ku maqal akhristaha/akhrisatada sharafta iyo qadarinta mudanaw/mudaneey , waana kan:   http://horyaal.net/audio/2010/01/2010-01-14-00.mp3

Hadaladaasi runtii aniga aad bay ii damqeen, in shaqsi masuuliyad ummadeed lagu magacaabay
uu inta uu afka kala qaado,uu hadladaa xajiimeysan,qabyaaladaysan, uu si dheel dheel iyo faan faan   ah,
uu afka ku kula waaxo,waana nasiib darro,garaad xumi,qof walbba oo dareensan xanuunkii , dhibtii iyo halgankii
dalkan loo soo  marayna wey damqaysaa,damiir laawana warkii dhaaf.

Waxaa kale oo laga wada war hayaa , in roobkii da'aaba weli dibadda u soo saarayo lafihii
walaaladeenii  baadilka,xaq darrada iyo xasuuqa ku leeday,marnabana kamaan fileyn, in xumaanta
intaa leeg ay dadka qaarkii caloosha uga buuxdo , oo Burco ama Hargeysa  la kala sheegto.
waana sida ay rabaan cadawga Somaliland in laynoo kala qo qobo,ka dibnna dawladnimadii,aqoonsigii,
nabadii,qaranimadii,intaba la waayo , oo ta Muqdisho ka dhacaysa u soo guurto ardaageena,Allahayaw adaan magantaa nahay.


Sidaan la wada soconno, umaddi waxay horumartaa ama meel  gaadhaa ,  kolba inta ay
leeg tahay aqoonta , waxbarashada iyo khibaradda  muwaadiniinteeda iyo masuuliyiinteeda.

Haddaba anigu waxaan soo jeedin lahaa in shaqsiga masuuliyad loo igmanayo lagu qiimeeyo:

1-Aqoontiisa iyo khibradiisa een loo eegin qabiilka uu ka soo jeedo
2-Garaadkiisu inta uu leeg yahay
3-Inta ay daacadnimadiisa iyo caadilnamdiisu leeg tahay
4-Inuu ka fayaw yahay xanuunka dilaaga ah ee  Qabyaaladda
5-Inta ay leeg tahay lexa jeclada uu u hayo hantida iyo ma guurtada dalkiisa
6-Inuu yahay shaqsi u naxariista maatida iyo inta jilicsan
7-Inuu yahay shaqsi dalkiisa iyo ummadiisa u daacad ah
8-Inuu yahay shaqsi ka shaqeeya wixii umadda walaaleeya iskuna soo dhaweynaya
9-Inuu yahay shaqsi ka fogaada wixii umadda kala qaybinaya


Ta kale Badhasaabku ,wuxuu  ka dhawaajyey magacyada rag sharaf iyo qiimo weyn u leh  dalkan iyo shacbiga Somaliland,taariikhda ma guurtada ahna
baal dahaba kaga qoran, sida  Xaaji  Cabdi waraaabe iyo  alla ha u naxariistee sheekh Ibrahim Sh Yuusuf Sh Madar,oo uu yidhi annagaa (reer Hargeysa)
keenay.

Bal haddaba,Badhasaab ka warran hanadaddan aan kala dhicin:

1-Mujaahdi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) (Tog-Dheer)
2-Mujaahid Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) AHUN  ( Tog-Dheer)
3-Mujaahid Saleebaan Maxamuud Adan (Saleebaan Nuur) ( Tog-Dheer)
4-Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal AHUN (ku dhashay Oodweyne Tog-Dheer)
5-Mujaahid Maxamed Kaahin (Tog-Dheer)
6-Xaaji Cabdi Cawed Cali (Indhadeero) AHUN (Tog-Dheer)
7-Mujaahid Maxamed Cali AHUN (Tog-Dheer)
8-Mujaahid Cabdillahi Ibrahim Dhugad (Tog-Dheer)
9-Mujaahid Maxamed Xaashi "Lixle"  AHUN (Tog-Dheer)
10-iyo halyeeyo aanan halkan ku soo koobi karin (Tog-Dheer)

Badhasaabka waxaan xasuusin lahaa in Burco tahay,hoygii xoriyadda , Qaranimada ,sharafta iyo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland
, kana dhasheen halyeyo naf iyo maalbba u soo huray nabaddan aad maanta ku naaloonayso,ee aad Hargeysa Badha
saabka kaga tahay,walaw aan la saadaalin karin inta uu sii joogi doono maamulka  kuu magacaabay  kursigan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qalinkaygan aan u bixiyey (Gaadh Haye),Badhasaab xanuunkaa kaa dhawaajiyey ee lagu magacaabo qabyaaladda,
waxaa  dawo u ah Gabaygii ilaahay janno fardawsa ha ka waraabiyee Cabdillahi Suldaan Timacadee, ee uu lahaa,
"Dugsi ma leh qabyaaladi ,waxay dumiso mooyaane," , waana kane allah ha kugu shaafiyo.


DUGSI MA LEH QABYAALADI

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay         dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray             waa fog dabadeede
Shin kastood daleed uga baxdoo         nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa               waad ku dayataaye

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax        loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu               daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame             daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa                     dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu                duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan         inuu ka duulaaye

Haddaad adigu daacuun ku tahay        dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii        fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon              dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee              waa dig siin jiraye

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo     diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa             dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag             idinka doorsoonye

Docda bari, dorooriga baddiyo         Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa               wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan            dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon         deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay         waa dixdhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu         uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn         dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga             dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay         degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy           dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala  ah tahay ooy           duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways             dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa         daa'in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa             daad u soo geliye


Ubadkiinii waad daadiseen                waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen         duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey               waa lagaa deyeye
Darajada Ilaahay ninkii                     doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkioy waxyiga     diinti ka carrowye
Dugsi malaha qabyaaladi waxay         dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo         daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga         daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama         iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi                waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan              weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan              danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal                    meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad         dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi                        waxay dumiso mooyaane



Source
:Engineer Mohamed Ali
           Timacade News Netw
ork (TNN)




No comments: