11 January, 2010

Ciidan xooggan oo la geeyay Xarunta Guurtida iyo Warbaahinta oo loo diiday inay galaan xayndaabka

Ciidan xooggan oo la geeyay Xarunta Guurtida iyo Warbaahinta oo loo diiday inay galaan xayndaabka

Inkasta oo ay Warbaahintu subaxnimadii hore ku sugnayd Golaha Guurtida oo ay waqtigaa joogeen Mudanayaasha guddida joogtada ah ee la sheegay in la bedelay oo uu horkacayay Guddoomiyaha Xil. Dhugad, haddana abbaaro 10:00 subaxnimo ayaa Ciidamo xooggan la keenay Xarunta, isla markaana Warbaahinta dibedda looga saaray xayndaabka Golahaas.

Ma jirin wax warar ah oo si rasmi ah uga soo baxay Ciidanka la keenay, hase ahaatee, siday sheegayaan wararka la xidhiidha arrintan, waxa jira dedaallo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Golahaas, si dib loogu furo Golaha.

Dhinaca kale, waxa Ciidan la dhigay Xarunta Guriga Shaqaalaha ee Hargeysa, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen garabka Mudanayaasha taabacsan Guddoomiye-xigeennada Guurtida Sheekh Axmed Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali. Kuwaas oo rasmiyan aan laga war haynin sababta ay halkaa ugu shirayeen.

Maalmihii la soo dhaafay waxa Golaha Guurtida hadheeyay khilaaf kala qaybiyay oo uu hormood u yahay Qoraal uu Xildhibaan Furre ku kala diray Guddida joogtad ah ee Golahaas.

No comments: