11 January, 2010

Warsaxaafadeed/ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Casho Sharaf Lagu Martiqaaday


Warsaxaafadeed/ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo  Casho Sharaf Lagu Martiqaaday

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud, Marwadiisa marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde, iyo xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar,  ayaa labadii habeen ee Sabtida iyo Axadiiba lagu soo dhaweeyay laba casho sharaf  oo kala duwan oo ay ku marti qaadeen jaaliyada reer Somaliland ee Washington DC/ Virginia. 

Labada Casho sharaf ee waftiga gudoomiyihu hogaaminayo lagu marti qaaday ayaa waxaa ka soo qayb galay jaaliyada Washington DC iyo Virginia iyo xubno ka tirsan gudida fulinta xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan. Gudoomiyuhu wuxu halkaa mahadnaq balaadhan uga soo jeediyay xubnahii casho sharafka soo qaban qaabiyay iyo dhamaan martidii ka soo qayb gashayba labadaa casho sharaf ee Sabtidii iyo Axadiiba.

Waftigu wali waxa u socda marti qaadyo badan oo  Jaaliyadu waydiisatay inay kula kulanto waftiga dhowrka maalmood ee soo socda. Maanta oo maalintu tahay Isniin waxa waftiga u bilaabmaya kulamadii rasmiga ahaa ee ay la lahaayeen dawlada maraykanka.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh webmaster@kulmiye.org


Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye Ee Waqooyiga Maraykan

No comments: