11 January, 2010

Cadowga Somaliland ayaa ka dambeeya, isku deygan Carqaladeynta doorasho ee Guurtida ka oogan!!

 
Erey Madhan oo beryahanba raggan Kursi ku dirirnimada ugu dhexmilmey fal-dambiyeedyo aan hore Dalka looga aqoonin oo si dhab ah u taabanaya jiritaanka , karaamada iyo qarannimada dalkani waqti uu qarka u saaran yahay aqoonsi isaga iyo Dal kale oo kuwii Ruushka ka go'ay ka mid ah lana yidhaahdo Abkhaazia, waxa uu khilaafkan aan sbabta la qaadan karo lahayn ee laga aloosay golaha Guurtidu dhab u tilmaamayaa cidda ereyga madhan ee lagu jaah-wareeriyo Ummadda uu yahay ee sida dhiirran awoodaha qaranka, ugu adeegsada Burburinta Dalkan , Siyaasad, dhaqaale, Demography iyo bulsho ahaanba tahay!!
 
Dilkii Taliyaha ciidanka 12aad, Madaxtooyadu waxay ku eedeeysay wax ay ku sheegtey "Cadowga Somaliland" , Waxaanay noqotey Nabadsugidda Somaliland taliyeheedii Gobolka sool oo gacanta lagu dhigey loona hayo raggii u dhigey miinada ee uu ku shaqeystey, Tumaalkii u tumay qalabkii qarxinta wixii lagu ridayey, iyo markhaatiyaalba.
Ciidanka Nabadsugiddana Madaxtooyada oo keliya ayaa laga xukumaa!!
 
Argagixisadii Dalkeenna ku soo duushey ee ajnebiga ku leyneysay, kan Sheekh Aadan siiro Tilmaansadey ee Muwaadinaddu qabatey iyo qaar kale oo ku huursan Hargeysaba, waxa ay ku dhiirradeen Baastooladihii jeelka loogu geeyey argagixisada xidhan iyo Maamulkan aan siyaasad adag iyo shuruuc u quus-goysa kuwa Dalkan ula yimaadda falal Argagixiso aan weli samayn oo aad mooddo in ilko-yaxaas hoosta isaga daloolaan.
 
Waxa soo baxay in Salaadiin iyo Odey dhaqameedyo Gobollada Baki iyo Awdal  ka tirsan oo jzirado somaliland leedahay oo la sheegey in ganacsato si qarsoodi ah  looga iibshey , iskuna deyey in ay xaqiio-raadin ugu kicitimaan jasiiraddasi amar Madaxtooyo Ciidammada qranku ugu diideen!! iyaga oo fasax Riyaale laga soo qaato ku xidhey. Muwaadinka Dalkiisa waraaqdii socodka lagaga doonayo, maxaynu ku sheegnaa?! Waa maxay sirta jaziiradda Sacadadiin ku qarsanayo Maamulka Riyaale?
 
Doorasho ayeynu u diyaar nahay , adduun badan iyo waqtiba ku baxeen, inta inteeduna ku bixi doonto, sababo xil-gudasho la'aanana Guddigii Doorashooyinka qaranka ee hore galaafatey, ninka riyadiisu gaadhsiisey, dhaameel afartameeyo odey oo Guurtida ah la siiyo ayaa sacabtun kuugu jadiidineysa xilku, aqoonta uu dadka uu xilka u hayo u leeyahay bal eega !! Inta aynu Doorashada ka dhammaaneyno , odey iyo islaan, wiil iyo Gabadhba , Madax iyo Muwaadin , waxa waajib muqaddas ah inagu ah in aynu u oo jeedno Dalkeenna , Cadow dibadeedna hungureyn maayo Dalkeenna wixii hore ugta gaadhey,  ee Doqon Mallafsi baratey Isbaarada u badiya. Barbarkey ka baxdaa, waa bakaylo-qaleen!!
 
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed



No comments: