11 August, 2009

Somaliland: Si xoogan ayaanu uga soo horjeednaa diidmada qaawan ee.....

"Si xoogan ayaanu uga soo horjeednaa diidmada qaawan ee xukuumada iyo komishanka qaranka…"

Si xoogan ayaanu uga soo horjeednaa diidmada qaawan ee xukuumada iyo komishanka qaranka…
London (Jam)- Shir balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay galabnimadii Sabtidii ina dhaaftay galbeedka magaaladan London. Haddaba Jamhuuriya Times oo ka qaybgalay shirkaasi ayaa warbixintan nooga soo direy magaalada London.

BubbleShare: Share photos - Play some Online Games.

Kullankan oo ujeedadiisu ahayd sidii looga wada tashan lahaa mowqif mideysana looga qaadan laalilada diiwaangalinta doorashada, ayaa waxa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah ururada reer Somaliland ee UK , jaalliayada reer London iyo qaybaha kale duwan ee bulshada, waxaana la odhan karaa waxa si aada uga dhex muuqday dad badan oo indheer garadka reer London ah.
Furitaankii ka dib waxay ka qaybgalayaashu si aada ugu duceeyaan oo Illaahay uga beryeen inuu naxariitii janno ka waraabiyo Marxuum cali Xaaji Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal), waxayna tacsi u direen qoyskii, qaraabadii, asaxaabtii iyo shacbiga reer Somlailand ee ka baxay marxuumku.
Intaasi ka dibna waxa ereyo soo dhawyn ah halkaasi ka soo jeediyaya gudoomiyaha Jimciyada Somaliland UK (SSUK), Axmed daahir Cilmi , oo ka qaybgalayaasha ku guubaabiyaya in maanta dalkii tallo u baahan yahay maadaama aqoontii dalku dibada intooda badani joogaa. Marwo Luul Faarax, oo ka mid ah masuuliyiinta ururka daryeelka Distoorka Somaliland ee UDDAA, ayaa iyana waxay sharaxaad ka bixisay sida go'aanka Komishanka qaranku ku laaleen diiwaangalintu uga soo horjeedo xeerka diiwaangalinta iyo ka doorashada ee dalka u yaalla, waxaanay tilmaamtay in ay tallaabadan xukuumada iyo komishanku meel ka dhac ku tahay qawaaniinta dalka, iyo waliba heshiisyadii ay hore u galeen asaxaabta qaranka iyo komishanku. Luul waxay intaasi ku ladhay in mawqifka UDDAA uu cad yahay oo ay ka soo saareen bayaan dhawr bog ah oo ay madaxweynaha oo ah gudoomiyaha xisbiga UDUB iyo komishanka ugu baaqayaan in ay u soo noqdaan sharciga oo ixtiraamaan xeerka diiwaangalinta iyo ka doorashada labadaba.
Iid Xasan oo ah agaasimaha xafiiska ururka North West London Somaliland Community, ayaa isna si aada u dhaliilay laalida diiwaangalinta, waxaanu ku tilmaamay tallaabo sharci darro ah oo dib u dhac ku keeni karta hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
Kullankan oo dareenka guud ee uu ka sinaa ahayd in diiwaangalinta lagu galo doorashada, maadaama ay tahay tii u horeysay ee dalka ka qabsoonta, isla markaana faa'iido badan u yeelan doonta nolosha dadka reer Somaliland, siyaabo badana looga faa'iideysan karo, ayaa waxay ka qaybgalayaashu isla qaateen in lagu dhaqmo natiijada diiwaangalinta ka soo baxday oo sidii kale ee loo sixi karo loo saxo balse doorasho diiwaagalin ku salaysani dalka ka dhacdo.
Gebogabadii shirkana waxa laga soo saaray baaqa hoose ku xusan:
London 09/08/09 - Anagoo ah qurbajooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Britan waa waajib na saran in aanu danayno wanaaga dalkayaga, kana qayb qaadano horumarkiisa dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Waxaanu werwer badan naga hayaa khalkhalka ay dhalisay laalilada diiwaangalintu waxaanuna u aragnaa in cawaaqib xumo ma hadho ah in ay ku keeni doonto doorashooyinka fooda inagu soo haya.
Haddaba markaanu dhinacyo badan ka eegnay marxalada maanta dalkeenu marayo, dhibaatooyinka ka dhallan kara doorasho aan diiwaangalin ku salaysaysneyn, iyo waliba dagaalada baahsan ee ku xeerabn geyigeena. Waxaanu go'aansanay in aanu codkayaga ku biirano Bayaankii ururka UDDAA ay ka soo saareen diidmada qayaxan ee xukuumada iyo guddida doorashooyinku ku laaleen diiwaangalintii.
Haddaanu nahay qurbajooga, waxa uu walaac badan naga hayaa hab dhaqanka xukuumada Somaliland caadeysatay ee ku tumashada shuruucda iyo xeerarka dalka, iyagoo aan dheg jalaq u siineyn ra'yiga caamka ah iyo rabaitaanka bulshoweynta reer Somaliland. Taasi oo horseedi karta markas khalkhal siyaasadeed iyo xasilooni darro dalka ka dhalata, isla markaana dhaawici karta iskuduubnida dadkeena iyo geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland.
Sidaa daraadeedna waxaanu tallo ahaan ugu soo jeedinaynaa dadweynaha, siyaasiyiinta iyo qurbojooga reer Somaliland dhamaantoodba:
1. In ay u guntadaan difaacida danta guud ee qaranka Somliland, oo ay u horeeyaan dan wadaaga, isku tiirsanaanta, adkaynta nabadgalyadaq, wadanimada, iyo horumarka dalkooda. Waana in ay ka hortagaan adeegsida qoqobka iyo qabyaalada siyaasadaysan ee cudurka ku noqotay nidaamka dowliga ah mandaqada aynu ku noolnahay.

2. Waxaanu u canbaaraynaynaa meel ka dhaca joogtada ah ee xaqiraada ku dhaqanka sharciga iyo ku tumashada nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay.

3. Si xoogan ayaanu uga soo horjeednaa diidmada qaawan ee xukuumada iyo komishanka qaranku ee dim u dhigid doorashada, taasa oo dib u dhacweyn ku keeni karta dimuqraadiyada curdinka ah ee dalkeena.

4. Xukuumada waxaanu ku baraarujineynaa in aanaan ogolaan doonin in si sharciga khilaafsan oo meel ka dhac ku ah distoorka qaranka loola badheedho oo lagu hakiyo ama joojiyo doorashada. Anagoo ka mid ah qurba jooga reer Somaliland, waxaanu isticmaali doonaa waxyaabaha suurtagal ka dhigi kara in ay u hirgasho si daacada doonista iyo ujeedooyinka toosan ee dadweynaha Somaliland, taasi oo laga arkayo gebogabadii natiijadii diiwaangalinta.

5. Waxaanu ugu baaqaynayaa dhamaanba dadka daneeya danaha Somaliland in mawqif mideysan ka istaagaan go'aamada xukuumada iyo Komsiahanka oo aaanu u aragno kuwo khatar ku noqon ah nabadgalyada iyo deganaanshaha Somaliland. Anagoo xasuusinaynaa in ay iyagu danbarsan doonaan cawaaqib xumida ka dhalata oo aanay kagana baxsan Karin ciqaab la'aan.


6. Waxaanu hayada dawliga ah iyo kuwa kale ee dorumarta Somaliland kala shaqeey, ka codsanaynaa in aan arimahaa dhacay dadwaynaha reer Somaliland ee aan wax danbi ama aan masuulka ka ahayn waxaa dhacay, aan loo ciqaabin. Laakiin la qaada talaabooyin cidaa masuulka ka ah, wixii waajiba lamariyo.

7. Qaramada Midoobay iyo hay''adaha caalamiga ah ee aan dowliga ahayn ee ku sugan Somalilandwaxaanu ka codsanaynaa inay wax ka bartaan dhacdadii ka dhex dhacday xukuumada Somaliland iyo Interpeace, waana inay ka digtoonaadaan in hawlaha waxqabad ee ay u sameynayaan Somaliland aanay noqonin kuwa cuuryaamiya dawladan curdinka ah ee Somaliland iyo hayadaha ay ka koobantahay.

8. Labada aqal ee baarlamaankana waxaanu codsanaynaa in ay si degdeg ah xal arrintan u soo dhexgalaan oo ay go'aan loo dhan yahay oo sharciga dalka ku salaysan ka soo saaraan, taasi oo dalka u horseedi doonta doorasho xor ah oo xalaala..

Resolution signed by the following organizations
Somaliland Society UK – SSUK
West London Somaliland Community
SIRAG
BSUG
SDWO – Somaliland Democracy Watch Organisation
UDDAA – Ururka Daryeelka Dastuurka Somaliland
SOMALILAND WOMEN GROUP
Somaliland Overseas

No comments: