09 August, 2009

Maxkamadda G. Hargeysa oo xukun ku ridday Suxufiyiinta Idaacadda Horyaal

Maxkamadda G. Hargeysa oo xukun ku ridday Suxufiyiinta Idaacadda Horyaal

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo dhegaysiga dacwaddan soo gebogebaysay khamiistii aynu ka soo gudubnay, isla markaana xukunka u muddaysay maanta oo Axad ah, ayaa sheegtay in Xeer-ilaalintu ku guul-darraysatay in ay caddayso eedaymihii ay ku oogtay Suxufiyiintan ee ahaa in War ay baahiyeen uu dhaliyay khasaare Naf iyo Maalba leh oo ka dhacay Galbeedka Somaliland. Maxkamaddu waxay labada Suxufi ee Idaacadda Horyaal Mr. Sayid Cismaan Mire iyo Axmed Saleebaan Dhuxul ku xukuntay  6 bilood oo xadhig ah iyo 300-kun oo Shillin Somaliland ah midkiiba, taasna ay iibsadeen, isla markaana isla maantaba bixiyeen oo xorriyadoodii loo soo celiyay.

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: