09 August, 2009

Kulan xus iyo duco ah oo loo sameeyay Marxuum Cali-Maarshaal

Kulan xus iyo duco ah oo loo sameeyay Marxuum Cali-Maarshaal

Madaxii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye ee Gobollada galbeedka Somaliland Marxuum Cali Muxumed Guuleed (Marshaal) ayaa kulan duco ah looogu sameeyay shalay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. kulankan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed-Siilaanyo, Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaas, Culima'udiin, Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan, Taageerayaasha Xisbiga iyo aqoonyahan kale, ayaa waxa dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa, Sh. Xasan Cabdisalaan iyo Sh. Maxamed Aadan oo ka mida culimada waaweyn ee dalka. Waxaanay Marxuumka Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxaanay dadweynaha u soo jeediyeen in cibaadada iyo alle ka cabsiga ay laban-laabaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal uu ka jeediyay kulankaasi wuxuu faah-faahin ka bixiyay shakhsiyadii Marxuum Cali Guulleed, oo uu ku tilmaamay mid Halgan ugu jiray sidii dalkiisu u heli lahaa maamul toosan.

Md. Axmed Siilaanyo, wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in taageereyaasha KULMIYE ay sii wadaan fikirkii iyo halgankii uu waday Marxuumka, oo uu illaahay uga baryay inuu u naxariisto, qoyskiisii,Xisbiga KULMIYE iyo Shacbi-weynaha Somaliland-na samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com


No comments: