01 July, 2009

TACSI MARXUUM XASAN HUURIYE CAWAALE

Inaalilaah wa ilaa ileyhi raajicuun,

Anigoo ka wakiil ah reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u diryaa duriyada, xaaska, walaalka, waalidka, asxaabta, qaraabada, xigto iyo xigaal geerida Marxuum Xasan Huriye Cawaale. Waxuu ahaa oday samo-talis ah, cibaado badan furfuran oo gurigiisa lagu soo hirto. Marxuumku waxuu nolashiisa badi ku qaatay qurbaha Sacuudiga, gaar ahaa magaalada jubayl oon muddo dheer ku wada noolayn, Abu Dabay iyo magaaladan uu ku geeriyooday xalay ee ah Birmingham, carada Ingiriiska.

Wax la hubo waxa jira waa geeri, ee duco iyo quraan akhris ayaan u dirayaa. Illaahay naxariistii janno ha siiyo, inagana dhammaan samir iyo iimaan.

Ahmed Arwo

No comments: