06 April, 2009

MUDAAHARAADKI BURCO & XIDHIGII XUBNAHII FULINTA EE...

MUDAAHARAADKI BURCO & XIDHIGII XUBNAHII FULINTA EE KULMIYE BERBERA IYO WAR KALE

Hargaysa 03 April 2009 (THN)

Magaalda Burco ayaa waxaa la soo sheegaya in ay taageerayaasha xibiga kulmiye ay sameeyeen isku soo baxa ay ku doonayan in ay ku xusaan 6 april oo ah maalitii asaaskii SNm sida wararku nagu soo gadhayaan dadkaa oo is lahaa ku sameya munasabada xafiiska kulmiye ayaa waxa la sheegay in ay dawladu iska hor taagtay in kasta oo ay markii dambe u fasaxday in ku qabsadaan xafiiskaas.

Taas oo la soo sheegayo in culays farabadani dadka oo dhan saarnaa welwel badanina hayey sida ay wax noqon doonan taas oo dadku ay is waydiinayeen talaw maxaa dhici doona marka ay gaadho (06 April) xalay oo dhana dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemaayey dhamaan dalka oo dhan siiba magaalo madaxda togdheer ee Burco .

Saaka waabarigii ayaa dadwayne fara badan oo aad moodaysay in ay xalay soo jeedeen oo aanay seexanba ay isugu soo urureen xafiiska gobolka ee kulmiye ee magaaladasi Burco , dadka halkaa isugu yimid iyo ciidamada police ka ayaa marki horeba oo ka dhex dhalan gaadhay waxyaalo isku dhac keeni kara taas oo ay police u ogolaan waayeen in ay dadweynu xafladaas qabtaan ilaa la soo heli ogolaansho sharci ah oo ka yimaada dhinaca maamulka gobolka , ugu dambayntii waxaa loo ogolaaday in loo fasaxo in ay ku mudaaharaadaan iyo kulankooda in ay ku qabsadaan xafiiskooda iyo intaas ku hareeraysan .

Police ka oo ku hareeraysna kulankaasi ayaa qofkasta oo ka hadlaayey kulnkaasi oo ku halda hadal keni kara isku dhac waxa qabsanayaayey oo ku boodaayey qaar ka mid ah shacabkii meeshaas joogay dhamaan dadka waxaa ka muuqatay in ay nabad gelyo diyaar u ahaayeen masuuliyintii meeshaasi ka hadashayna waxay dadweynaha ku baraarujiyeen in ay nabad gelyada ay dhawraan munaasabadan oo loogu magac daray xuskii aasaaskii SNM oo ku beegnaynd 6 april ayaa waxa ay jiho kale u jeedisay dhinacii la doonayay in uu shirkani u dhaqaaqo taaas oo laga sheegayey halgankii SNM iyo aakhirkii natiijada ka dhalatay in ay ahayd Somaliland oo naabd gelyo lagu soo dabaalo .

Mar uu wasiirka warshaduha Somaliland Maxamed Saleeban Wayne qabsaday microphone ka ayaa waxaa ka nabad gelyadu faraha ka bixi gaadhay kadibna ay dadku quruurux iyo camuud ay ku saydheen wasirka ciidana police ka ayaa ka kexeeyey wasiirka goobtii uu ka qudbadaynayey oo ka saray madashii taas oo hadii aanay kaxay police ku ay si fudud u dhalan karaysay nabad gelyo xumo .

Ugu damabyntii si feejigo iyo taxadir leh ayey u maamulayeen dadkii ka socday xibiga Ucid iyo Kan Kulmiyeba ee ka soo qayb agalay xafladasi waxaanay dadka ku bogadiyeen in nabad gelyada la ilaliyo taas oo maanta dhamaan magaalda Burco aanay wax rabshad ahi ka jirin .

DHINACA BERBERA IYO GOBOLKA SAAXIL

Sida wararku sheegayan waxa kale oo iyana aan wax rabshad ahi ka dhicin meelo laga filaayey in xay wax ka dhacaan sida Ceerigaabo ,Laascaanood, Ceelafwayn kuwaas oo dhamaantood aanay wax mudaaharaad ahi ka dhicin nabad gelyona ka duhursaday qof walba waxa uu mahadinaya in la soo dhaafay maalinti wal walka badnayd ee ilaa maalmahan la sugaayey taas oo ahayn isku raran wixii la doono lagu fushan karaayey waayo 6 April waa maalinti asaaskii SNM sido kale waa maalintii buuqu ka taagnaa ee la lahaa madaxeyne Riyaale ayuu xilku kaga eegyahay taas oo laga baq qabay in xuskaa SNM loo hoos galiyey rabshadu ay soo abaanulayaan xisbiga kulmiye.

Waxaa lagu soo waramayaa in magaalda Bebera ee gobolka Saxil in dhawr qof oo ka tirsan gudida fulinta kulmiye ee gobolka Saaxil lagu xidh xidhay ,kadib markii ay dambeen in ay sameeyaan munasabd a 6 april ee xusbka SNM ay ku qabtaan xafiiskooda , gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil Shiine Abdi Barkhadle ayaa isaga karkii dambe la soo dayey halka ay dhawr qof oo kale ay wali ku xidhan yihiin saladhiga way nee magaadla Berbera taas oo la amray in ay iyagu xabsiga ku sii jiraan ilaa amar dambe.
Gudoomiyha gobolka Saxali Maxamed Abdilaahi oo arintan xadhiga ee xubnaha kulmiye wax laga waydiiyey ayaa wax uu sheegay in ay dadkani khilafeen amarka dawlda

Farxaan Yusuf Ismaaciil
Hargeysa

No comments: