07 April, 2009

Hadaad Kulmiye Taageerayaashiisa Tahay Akhri Maqaalkan

Hadaad Kulmiye Taageerayaashiisa Tahay Akhri Maqaalkan

KULMIYE wuxu ku jiraa tartan aad u kulul oo aan cadaalad ahayn, wuxu tartanka kula jiraa Xisbiga dawlada haysta oo isticmaalaya xoolihii dadwaynaha, lacagtii, baabuurtii, shaqaalihii, Idaacadii, Television-kii dadwaynaha, police-kii, iyo dhamaan xoolihii dawlada dhinac kasta oo aad ka eegto. Berito marka doorashada la gelayo shaqaalaha dawlada ayaa istaagaya goobta lagu codaynayo oo xisbiga UDUB u ilaalinaya goobta lagu codaynayo. Wasiiradu waxay wataan baabuurtii dawlada oo waxay isticmaalayaan petrolkii dawlada marka ay tegayaan gobolada. Maalintii dhowayd markii Madaxwayne kuxigeentu tegay Berbera, Shiekh iyo ilaa Ceergaabo isaga iyo wasiiradii la socday; meel kasta oo ay tagaan waxa ka lushay calanka iyo calaamada UDUB, waxay qabanayeen shirarkii UDUB. Maalina wasiirka cadaalada ayaa ugu hanjabaya waanu idin dilaynaa oo idin xidhaynaa, maalinta dambena waata amarka lagu siisay dadka shicibka ah ee Hudheelada leh inaanay hudheelkooda ka kiraynin KULMIYE iyo dadka inta ku shaqo leh.

Hadaad KULMIYE taageerayaashiisa ka mid tahay, ama toos u taageer ama niyada ka taageeroo, waxan jecelahay inaan maanta boggan kugula wadaago, baahida xisbiga KULMIYE halka ay marayso. Markasta oo KULMIYE shir qabsado waxay u baahan yihiin lacag ay shirka ku qabsadaan, markasta oo aad aragto dad ku soo biiray waxay u baahan yihiin in loo sameeyo xaflad soo dhowayn ah. KULMIYE wuxu u baahan yahay in xafiisyo ka furto gobolada oo dhan, KULMIYE wuxu u baahan yahay inuu shaqaaleeyo 1000 qof oo noqda shaqaalaha KULMIYE ee goob joog ka noqonaya goobta lagu codaynayo. Haddii qofkiiba maalintaa la siiyo $30 dollar, waxay noqonaysaa 1000-kaa qof mushahaaradoodu maalinta doorashada $30,000 oo dolar. KULMIYE wuxu u baahan yahay in ay kiraystaan ugu yaraan 20 ama 30 gaadhi maalinta doorashadu dhacayso, intaasoo gaadhi mid waliba wuxu u baahan yahay in lagu shubo patrol, in inanka gaadhiga wado wax la siiyo (iyo waliba bahalkii qaadka ee aad ogayd). KULMIYE madaxdiisa marka ay laba qof shir la galaan waxa laga rabaa inay qado qaadaan iyo inay qaad ku daraan labadaba. KULMIYE wuxu u baahan yahay inay xafiisyada dhigtaan qalab, computer, telephone, printer, waraaq iyo khadkii intaba. KULMIYE wuxu u baahan yahay inuu shaqaalahiisa (oo aad badnayn) siiyo mushahaaro bil walba si loo helo qof telephoneka ka jawaaba, si loo helo qof fadhiiska xafiiska. Taageerayaasha KULMIYE waxan u sheegayaa baahida KULMIYE aad iyo aad ayay u badan tahay oo halkan ku soo koobi kari maayo – laakiin inta aan ku soo sheegay ayaa inoogu filan tusaalayn.

Hadaba su'aashu waxa weeye KULMIYE ma ku guulaysan karayaa doorashada haddii aan baahidan dhaqaalaha laga caawinin. Jawaabtu waa MAYA. Waxan jecelahay inaad ila ogaataan ama dadku ha jeclaado inay u codeeyaan KULMIYE ama yaanay jeclaanin, laakiin waxa aan shaki ku jirin hadii aan baahidan KULMIYE laga caawin in ay aad iyo aad u adagtahay in KULMIYE tartankan ku guulaysto. Waxa shaki la'aan ah in Dahir Rayale iyo xisbigiisu ay ogyihiin in KULMIYE baahi dhaqaale oo badani hayso oo ay doonayaan inay aad iyo aad uga faa'idaystaan fursadan si ay uga badiyaan KULMIYE. Anigu waxan ka mid ahaa UDUB doorashadii hore oo waxan xogxogaal u ahay sida UDUB u shaqayso maalinta doorashada. UDUB waxay ku talo jirtaa oo rajaynayaan in KULMIYE aanu helaynin 1000 qof oo goob joog uga noqda goobta lagu codaynayo oo aanay haysanin lacag ku filaada dadkaas oo dhan. Taasuna fursad wayn UDUB u helayso inay dhalinyaradaa maalinta siiyaan $100 ama ka badan qofkiiba si codka loogu xaddo, oo sanduuqyada UDUB loo siiyo.

Waxan dhamaan taageerayaasha KULMIYE ugu baaqayaa, meelkasta oo ay joogaanba, waddanka gudihiisa iyo dibadiisa labadaba. Haddii maanta aad jeceshahay in KULMIYE guulaysto, haddii aad cadhoon doonto berito haddii lagu yidhaahdo Dahir Rayale iyo UDUB ayaa ka badiyay KULMIYE, haddii aad rabto in KULMIYE uu kawada tabaabushaysto dhamaanba meelaha laga soo geli karayo oo aad ka caawiso baahida dhaqaale. Waxan kaa codsanayaa in maanta aad KULMIYE dhaqaale ku taageerto, haddaad siiso Kun Somaliland shillin ah, hadaad siiso hal dollar, laba dollar, toban, labaatan, konton, boqol dollar ama wax intaa ka badan. Maanta ayaad KULMIYE wax u tari kartaaye fadlan wixii aad tari karayso maanta KULMIYE la gaadh inta aad doorashada la gelin. Maanta KULMIYE u hiili oo ugu deeq dhaqaalihii ay iskaga celin lahaayeen UDUB, dhaqaalihii ay tartanka ku geli lahaayeen.

Haddii beri la inaga badiyo oo KULMIYE doorasho ku guulaysan waayo, fadlan ogsoonow baahida dhaqaale ayaa ugu wayn waxyaabaha lagaga badin karo KULMIYE. Maanta ayuu KULMIYE inoo baahan yahay ee fadlan dhaqaale ayuu u baahan yahaye soo caawi maanta. Haddii aad joogto USA ama Canada waxad la soo xidhiidhaa Xoghayaha Dhaqaalaha KULMIYE ee North America oo magaciisa la yidhaahdo Ismaaciil Jama [Xayraan] oo jooga MNUSA waxad kala soo xidhiidhaa emailkan imjama@msn.com haddii aad joogto UK waxad la soo xidhiidhaa Ibrahim Hussein ihussein22@aol.com Haddii aad joogto Abu Dhabi ama guud ahaan UAE waxad la xidhiishaa Adan Nugal adamngl@adgas.com haddii aan joogto Sweden waxad la xidhiidhaa Hassan Saleebaan waa kan telephonkiisu 468-717-6791 hadaad joogto Europeta kale waxad la xidhiidhaa Dr. Mohamed Omar momar@hotmail. Co. Uk haddii ay kuu hawl yartahay waxad booqataa websiteka KULMIYE aad ka helayso halkan www. KULMIYE.com waxad booqataa halka ay ku qoran tahay Taageer xisiba oo waxa aad isticlmaali karaysaa inaad taburaca dhaqaalaha ku bixiso credit card oo ka bixiso boggan. Haddii aad doonto aniga ila soo xidhiidh Rashid Garuf rgaruf@gmail.com anigaa isku xidhanaya qofka jooga meesha kuugu dhow ee KULMIYE masuulka uga ah dhaqaala ururinta. Haddii aad joogto Somaliland waxad tagtaa xafiiska KULMIYE oo waxad siisaa waxa jeebkaaga ku jira ama waxii ka badan ee aad awoodo. KULMIYE waa xisbi shicibku leeyahay oo metelaya shicibka Somaliland ee jecel inay isbedel waxtara dhaliyaan.

Waxa hadalkayga ku soo koobayaa maanta ayay talo iyo waxtar la gaadhsiiyo KULMIYE ay haboon tahay, berito haddii laga badiyo cadho, calool xumo, iyo walaac waxba inoo tari maayo (ogow siday u xanuun kululayd 2003-kii). Maanta aynu KULMIYE siino dhaqaalihii uu tartanka ku geli lahaa, dhaqaalihii uu iskaga celin lahaa Dahir Rayale iyo UDUB oo isticaalaya xoolihii dadwaynaha iyo dhamaan awoodii dawlada. Waxa aan shaki ku jirin haddii aanad maanta KULMIYE soo caawinin inay aad iyo aad u adkaanayso sidii UDUB la isaga celin lahaa. Waar tartan adag ayaynu ku jirnaaye fadlan ha hawl yaraysanin ee marka aad dhamayso warqadan akhriskeeda, fadlan la xidhiidh qofka kuugu dhow ee kor ku qoran. Dagaalka qaybtaada ka qaado si aanu inoogu soo noqon Dahir Rayale iyo UDUB marka doorashadu dhacdo. Fadlan sida ugu dhaqsaha badan u soo jawaab.

Rashid Garuf
Virginia, USA
rgaruf@gmail.com

No comments: