30 March, 2009

Rayaale oo waqtiga loo kordhiyay

Rayaale oo waqtiga loo kordhiyay
 

 
 
Saleebaan
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan
Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa waxa ay u codeeyeen in Madaxweyne Daahir Rayaale uu xafiiska sii hayo ilaa gaarayo 29-ka bisha October ee sanadkan 2009.

Golaha oo ku kala qeybsanaa arinta waqti kordhinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa dood dheer kadib waxay u codeeyeen, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga Saleebaan Maxamuud Aadan, in muddo lix bilood ah loo kordhiyo xilka Madaxweynaha Somaliland.

Golaha ayaa sidoo kale dib u dhigay xilliga doorashada madaxtinimada Somaliland oo iyana lagu wado inay dhacdo bisha September ee isla sanadkan.

Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa cambaareeyay go'aanka Golaha Guurtida oo ay ku tilmaameen inuu yaha nasiib darro.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku tilmaamay go'aanka guurtida inuu yahay mid gabal dhac u ah geeddi-socodkii dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana bilaabaya kaligii-talisnimo.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isna waxa uu sheegay in go'aanka Guurtida aanu ahayn mid dan u ah Somaliland, isagoo intaa sii raaciyay in Guurtidu aanay awood u lahayn inay wax ka beddelaan xilliga doorashada.

No comments: